Siyaasiyad Fadumo Siciid Oo Si Adag Uga Hadashay Xadhiga Afhayeenka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Oo Tobaad La Horkeenin Maxkamad

0
Saturday June 11, 2016 - 13:52:40 in by salman abdi
  • Visits: 825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyad Fadumo Siciid Oo Si Adag Uga Hadashay Xadhiga Afhayeenka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Oo Tobaad La Horkeenin Maxkamad

    Marwo faadumo siciid oo ka tirsan madaxda iyo masuuliyiinta sare ee xisbiga waddani sidoo kalena ah lataliyaha gudoomiyaha xisbiga ee arimaha dibada ayaa qoraal ay soo gaadhsiisay shabakada hadhwanaag xafiiskeeda magaalada hargeysa iyadoo joogta dalk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marwo faadumo siciid oo ka tirsan madaxda iyo masuuliyiinta sare ee xisbiga waddani sidoo kalena ah lataliyaha gudoomiyaha xisbiga ee arimaha dibada ayaa qoraal ay soo gaadhsiisay shabakada hadhwanaag xafiiskeeda magaalada hargeysa iyadoo joogta dalka UK si adag ugaga hadashay xidhiga afhayeenka garabka dhalinyarada ee xisbiga waddani Mudane, Maxamed Sadiiq dhamme oo maalintii shanaad ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada hargeysa iyadoo ay la xidhan yihiin dhalinyaro kale oo ka soo jeeda gobolka saaxil, waxaanay qoraalkeeda ku tidhi sidan:


Tallaabada lagu xidhay afhayeenka garabka dhalinyarada xisbiga waddani iyo dhalinyarada kale ee la xidhani waa xaqdarro weyn sharcigana baal marsan, waa dhalinyaro diiday iney dalka ka tagaan oo tahriibaan, waxay ku samreen caqabad kasta iyo culeys kasta oo dalka ay badey dawladan dareenka daleed iyo dadeed laheyni, waxay halgan ugu jiraan sidii dalkani ku noqon lahaa mid hanaan iyo hufnaan dimoquraadiyeyeed leh. Sidoo kale waxay doonayaan in Somaliland ay noqoto dal si wacan uga hanaqaado ku dhaqanka sharciga iyo xoriyatul qawlku.

 

Inta ogaalkeyga ah Maxamed Sidiiq wuxu kamid yahay foolaadka dhalinyarada dalka ee raba iney cadaalad iyo sinaan kuwada waarto dhalinyarada Somaliland dhalinyarada Somaliland na loo sawiro hir iyo humaag fog oo ku saabsan aayahooda mustaqbal dhanka ay dawladani sameynayso tallaabooyin lagu cidhib tirayo rajada dhalinta dalka quusna qalbiga lagaga abuurayo si ay uga yaacaan dalka dhulkooda iyo dhaayahoodana kolba maalin mid maal wata laga kharaasho taasina waa ta ay diidan yihiin Maxamed iyo dhalinyarada la aragtida ahi.

Dhalinyaradu dalkan iyagaa leh xaq ayey u leeyihin iney su,aalo ka waydiiyaan cid kasta oo iibineysa hantida qaranka ka dhaxaysa ee dhaxalka u ah dhalinyarada, lacagta lagu iibinayo hantida qaranka intee in leeg ayaa wax lagaga qaban karaa shaqo la,aanta? Baankee ayaa lagu shubaa? Xalkee ayey tagtaa? Wadooyin noocee ah ayaa lagu dhisi karaa? Jaamacado intee leeg ayey dhisi kartaa? Garoomo caalami ah ayaa dalku u baahan yahee maxaa lagaga qaban kara? Hospitalo ayaa la rabaaye sidee wax looga qaban karaa su,aalahaas oo dhan xaq ayey u leeyihiin.

Laakin nasiib darrada iyo aafada qaranka ku habsatay ayaa ah inaaney san jirin dawlad la dareen ah dadkeeda kana soo horjeeda barwaaqada iyo badhaahdaha bulshadeeda. Haddii hanaanka cadaaladeed iyo ku dhaqanka sharcigu saldhig u ahaan lahaa dawladeena dhalinteenu badaha kumay dhimanteen, hooyooyinku iskumay umul arooreen, rageena maalin kasta xaq darro laguma xidheen laakin way iman maalin caddaaladu si wacan uga hano qaado dalka hadda se waxay ku maqan tahaybaan filayaa cadaaladdii dalka fasax dibada ah.

Somaliland waxay gashay marxalad madow iyadoo madaxweynihii qaranka loo dhiibay joogo ayaa dalkii qeyb qeyb loo ibinayaa, iyadoo dalkan lawada leeyahay ayaa cid gaar ahi ku tagri farlaysaa maamulkisi iyo maaliyadiisi.

Mudane, Madaxweyne waxaad u dagaalantay waa halganka helida xaqa hadalka iyo haybada qofnimo, maanta se waad aragtaa dalkii oo gacantaada ku jira waxa ka socda.

Madaxweyne ma tanbaa taad u soo tacbeysay?

Waxaan kugu baaqayaa inaad sida ugu dhakhasaha badan dhalinyaradaa baadilka iyo dulmiga ugu xidhan cidaan la garaneyn xoriyadoodi ugu soo celisid

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan bulshada jecel wax wada lahaanshaha iyo walaaltinimada shacabka Somaliland iney ilaashadaan nabadooda sugaana ayaanta codka oo ay ku ciil baxaan cadowga meesha madow inoogu jirana laga sufeyn lahaa dalka.

Marwo Fadumo Siciid London UK

contact@hadhwanaagnews.com