Xoghayaha Arimaha Dibada Wadanka Maraykanka John Kerry ayaa Ka Dayraiyay halka ay Marayso Cimilada Aduunku isagoo Maanta Joogay Wadanka Indooniisiya.

0
Monday February 17, 2014 - 02:54:40 in by London Office
  • Visits: 894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Arimaha Dibada Wadanka Maraykanka John Kerry ayaa Ka Dayraiyay halka ay Marayso Cimilada Aduunku isagoo Maanta Joogay Wadanka Indooniisiya.

    Wadanka Maraykanka oo hore uga soo horjeeday in Caalmku Wax ka qabtaan Cimilada Dunida ee Sii xumaanaysa ayaa hada moodaa in uu ka soo dabcay Mawqifkii sii hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Maraykanka oo hore uga soo horjeeday in Caalmku Wax ka qabtaan Cimilada Dunida ee Sii xumaanaysa ayaa hada moodaa in uu ka soo dabcay Mawqifkii sii hore. Xoghayaha arimaha dibada ee dowladda Maraykanka John Kerry ayaa ku booriya bulshada wadamada caalamka inay la yimaadaan dadaal ka dhan ah isbadalka cimilada aduunka.
Mr Kerry oo ku sugnaa wadanka Indonesia ayaa sheegay in dadaal la,aanta bulshada caalamka ay lug ku leedahay isbad badalka faraha badan iyo waxyeelada cimilada dunida.
Waxuu sheegay Mr Kerry in isbadalka cimilada ee xiligani sida xawaaraha ah ku socda uu yahay mid sidoo kale saamayn wayn ku yeelan doona dhaqaalaha dunida .
Xoghayaha arimaha dibada ee dowladda Maraykanka oo ku sugan wadanka Indonesia ayaa sidoo kale la filayaa inuu manta qudbad arintaasi ku aadan ka jeediyo magaalada caasimada ah ee Jakarta.
Wadanka Maraykanka oo uu wehliyo wadanka Shiinaha ayaa bayaan ku saabsan sida loo xalin karo dhibaatada qiica wasaqaysan ee ay warshadhoodu dibada u saaraan ka soo saaray arinta isbadalka cimilada iyagoo sheegay inay u baahan yihiin tilaabooyin dheeraad ah oo ay arintaasi ka qaataan.

Afkashacabka.com