VAN GAAL OO DOONAYA SCHWEINSTEIGER IYO AFAR XIDDIG OO NETHERLAND KASOO JEEDO

0
Tuesday May 27, 2014 - 10:43:58 in by Super Admin
  • Visits: 1252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    VAN GAAL OO DOONAYA SCHWEINSTEIGER IYO AFAR XIDDIG OO NETHERLAND KASOO JEEDO

    Van Gaal ayaa qorshayaashiisa kasaaray Fabregas iyo Kroos, balse waxaa uu 10M kuheli karaa Bastian Schweinsteiger,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Van Gaal ayaa qorshayaashiisa kasaaray Fabregas iyo Kroos, balse waxaa uu 10M kuheli karaa Bastian Schweinsteiger,  Guardiola ayaa dhageesan doono dalabaadka uyimaada ciyaaryahankaan, fikarada ciyaaryahanka Roma Kevin Strootman ayaa weli ah mid taagan dhanka Manchester United.

 

Van Gaal oo hore tababare ugu ahaa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich ayaa garan karo sida uu ufiican yahay Shcweinsteiger, waxa uu kuheli karaa 8M oo kaliya, Guardiola ayaan kuqanacsaneen shaqada Bastian, isagoo aan aan buuxin karin dalabaadka tababaraha reer Spain uu kadoonaayo ciyaaryahanadiisa khadka dhexe.

 

 

 

Sido kale Van Gaal ayaa aaminsan in daafaca garabka Daryl Janmaat, daafaca dhexe Bruno Martins, iyo daafaca Ajax Daley Blind inay yihiin ciyaaryahano munaasab unoqon karo inuu kusoo daro kooxdiisa.

 

Dalab uu Van Gaal kagudbiyo ciyaaryahanka Roma Kevin Strootman waxey kuxiran tahay sida uu ukasoo kabsado dhaawaca kasoo gaaray kala-wareega jilibka, dhanka kale Welbeck ayaa muujiyey sida uu uga niyad jabsan yahay inuu boos joogto ah kaheli doono kooxda, waxaa loobadinayaa inuu go’aan ka qaadan mustaqbalkiisa kooxda.




Afkashacabka.com / Sports