Masuuliyiin ka socota shirkada Pontus marine oo la kulmay jaaliyada somaliland ee dalka finland.

0
Monday February 17, 2014 - 02:57:58 in by London Office
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiin ka socota shirkada Pontus marine oo la kulmay jaaliyada somaliland ee dalka finland.

    Masuuliyiin ka socota shirkada pontus marine ee maalgalinta kaluunka iyo suuqgeyntiisa ee Somaliland , ayaa soo gaadhay wadanka finland gaar ahaan caasimada helsinki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiin ka socota shirkada pontus marine ee maalgalinta kaluunka iyo suuqgeyntiisa ee Somaliland , ayaa soo gaadhay wadanka finland gaar ahaan caasimada helsinki Masuuliyiin ka socota shirkada pontus marine ee maalgalinta kaluunka iyo suuqgeyntiisa ee Somaliland , ayaa soo gaadhay wadanka finland gaar ahaan caasimada helsinki , masuuliyiintan ayaa maanta jaaliyada somaliland ee wadanka finland kulan la yeeshay kulankaasi oo ka dhacay hotel Arton ee badhtamaha magaalada helsinki

Waxaa ugu horeyn ku soo dhaweeyay masuuliyiinta shirkadan ka socdey odayaasha jaaliyada finland , Ibraahin rashiid iyo ganacsato ay kamid ahaayeen gudoomiyaha dahabshiil laanta finland Keyse Xiinwaal iyo Xabiib maxamed oo ah masuul ka socdey shirkada Fast pay, waxanay soo dhaweeyeen masuuliyiinta .



waxaa sidoo kale isaguna ka hadaly xildhibaan faysal yuusuf oo ahna panker ka shaqeeya nordea pank, kaasi oo si faahfaahsan uga hadaly shareska iyo wax wada lahaanshaha inuu ka wacan yahay qof kaliyi inuu wax yeesho.

Masuuliyiintii ka socodtay pontus marine mid oo magaciisu yahay ,Axmed Diiriye liibaan ayaa isagu faahfaahiyey

ujeedada loo aasasaay shirkadan iyo faa’iidada ugu jirta bulsha weynta soomaliyeed iyo somalilandba.

isagoo qeexay inay shirkadu cidkastoo soomaliya oo wax ku darsanaysaa ay soo dhaweynayso .

sidoo kale isaguna waxa si balaadhan usharaxay masuulka labaad oo magaciisa layidhaa Cisman Xuseen Warsame, kaasi oo si qoto dheer uga hadalay waxay shirkadu ku bilaabmayso ilaa halkay hiigsanyso garaafna ku muujiyey muhiimada ay uleedaha kobcinta dhaqaale ee somaliland iyo geeska afrikaba.

Sidoo kale waxaa masuulkani xusay inay wax kabadal ku sameyn doonaan qaabka loo kaluumaysto dalkeena oo shirkadu qaab casri ah dalka ku soo kordhin doonto iyadoo awooda saari doonta inay muwaadiniinta reer somalilnd tababaro ufurto , jaamacada badda ee berberana caawin doonta si loo helo shaqaale khibrad leh oo shirkada la shaqeyn doona hadii illahay yidhaahdo.

gaba gabadii kulankaasi waxaa uu ku soo afmeermay oo ka soo qeybgalayaashii loo soo bandhigay siday uga qeyb qaadan lahaayeen oo shareska uga mid noqan lahaayeen iyagoo shareka ugu yari noqon doono kun doolar(1000) dollar.

Dhaman ka soo qeyb galayshii waxay aad ugu riyaaqeen sida quruxda badan ee loo soo bandhigay iyagoo dhamantood kuwada tashaday inay saamilayaal ka noqon doonaan hadii alle idmo

Helsinki /finland