
Suarez Oo U sheegay Asxaabtiisa Liverpool Ee England Ku jirta Inuu Diyaar U yahay Koobka Aduunka
Suarez ayaa cadeeayay inuu taam u yahay inuu England wajaho.
Ciyaartoygan udhashay dalka Uruguay ee Suarez ayaa fariin qoraala u diray ciyaartoyda liverpool eek a qayb qaadanaya xulka England isagoo sheegay inuu diyaar u yahay Koobka aduunka ee Brazil
Suarez ayaa maray qaliin jilibka ah wuxuuna u muuqday inuu seegi karo koobka aduunka balse ugu danbayntii wuxuu shaaca ka qaaday inuu ka soo kasbaday dhaawacaas.Suarez ayaa war fiican u ah xulka Uruguay wuxuuna cabsi galinayaa xulka England balse Henderson ayaa aaminsan inuuna Suarez waligii isdhiibayn wuxuuna sheegay inuu ciyaaridoono bisha danbe ee tartanku furmayo.
Henderson ayaa yidhi: "Qofkastaaba wuu ka niyad jabay dhaawaca luis, laakiin dadka isaga yaqaanaa waxay ogyihiin inuu muhiim u yahay Uruguay laalkiin anaga maaha. Waxan u diray fariin qoraala inaan ogaado xaalkiisa waxaanan u rajeeyay nasiib wanaagsan. Wuu u dagaalamidoonaa waanan hubaa inuu taa samaynayo wuuna ciyaaridoonaa ciyaarta koowaad ama labaad”
Suarez Oo U sheegay Asxaabtiisa Liverpool Ee England Ku jirta Inuu Diyaar U yahay Koobka Aduunka
Luis Suarez ayaa u sheegay ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin ee Leverpool kuwaas oo ku jira xulka England inuu diyaar u yahay inuu ka horyimaado.