Dawladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Inay Ansixisay Go'aan Liddi Ku Ah Diinta Islaamka Iyo Bayaankii Culimada

0
Thursday June 30, 2016 - 09:25:54 in by salman abdi
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Inay Ansixisay Go'aan Liddi Ku Ah Diinta Islaamka Iyo Bayaankii Culimada

    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa waxaa uu beeniyay hadalkii ka soo yeeray Hay'adda Culimada Somaliyeed, ee ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa waxaa uu beeniyay hadalkii ka soo yeeray Hay'adda Culimada Somaliyeed, ee ahaa

 in Xukuumadda Somaliya ay meelmarisay go’aan liddi ku ah Shareecada Islaamka.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa marka hore waxaa uu faah faahiyay go’aan ay daba-yaaqadii bishii hore meelmariyeen Golaha Wasiirada, ka dib markii ay soo jeedisay Wasaaradda Haweenka.

Wasiirka, ayaa yiri "Shirkan jaraa’id ee maanta wuxuu ku saabsan yahay arrin la xiriirta go’aan Golaha Wasiiradu gaaray 26-kii bishii May, 2016, oo la xiriira xuquuqda sinnaanta ragga iyo dumarka. Go’aankaas oo Golaha Wasiiradu gaaray wuxuu la xiriiraa sidii bulshada Somaliyeed meelaha dhaqan ahaan ay ku dambeyso loo hagaajin lahaa.”

"Tusaale ahaan waxaa la yiri wiilasha iyo gabdhaha Somaliyeed meelaha qaarkood boqolkiiba/percentage-ka shacabku qabo ama dareenka shacabku qabo horumariyaan wiilka. Markaa Wasaaradda ku shaqada leh iyo dowladuba waxay go’aamisay in gabdhaha Somaliyeed ay leeyihiin xuquuq lamida kan wiilasha. Meel kasta oo Diinta Islaamka u ogoshahay, sida waxbarashada, caafimaadka, shaqada & shaqaalaha iyo cadaaladda.”

"Go’aanka Golaha Wasiirada ka soo baxay saasuu xusayaa, in bulshada Somaliyeed iyadoo la raacayo Shareecada Islaamku waxa ay jideysay in dhalinta Somaliyeed ee wiil iyo gabar lihi meelaha ay Diinta Islaamka u ogoshahay ay isu xuquuq noqdaan, sida meelaha aan soo sheegay.”

"Tusaale ahaan qodobka ugu muhiimsan waa qodobka 2-aad, farqadiisa 4-aad, oo ah siyaasadda dhalinta qaranka waxaa hagi doona qodobka 1-aad, waxaa weeye Shareecada Islaamka ayaa hageysa. Wax Alla wixii Shareecada Islaamku qabto gabadha Somaliyeed ay u fasaxayso waa inay lamid ahaataa wiilka walaalkeyd ah.”

"Waxaan ka xunahay xukuumad ahaan iyo dowlad ahaanba  in dad meel uga dhacaya masuuliyadoodu ay si khalad ah u fasireen go’aanka Golaha Wasiirada, oo ay yiraahdeen dowladdu waxay meel kaga dhacday Diinteena Islaamka waxa ay qabto, taasoo aan waxba ka jirin.”

"Halkaan waxaa yaala siyaasadda qaranka ee sinnaanta wiilasha iyo gabdhaha, waala akhrin karaa, qof kasta ayay u furan tahay. Siyaasad la faafiyay weeye. Sharci maahee waa siyaasad la doonayo bulshada Somaliyeed meelaha ay ka liidato ama xag dhaqan ha noqoto ama xag siyaasadeed, ay in laga soo qaado la doonayo. Si bulshada Somaliyeed xoogeeda, kartideeda iyo aqoonteeda dalku uga wada faa’iideysto, iyadoo saldhig looga dhigay siyaasadda dowladda Diinta Islaamka.”