Daawo: Cabdiraxman Cirro iyo Masuliyin kale oo ka tirsan WADANI oo Dhaawaca Dagaalki Dharkayngeyo ku Bookhday Cisbitalka Hargeysa

0
Thursday June 30, 2016 - 17:34:13 in by Burco Office
  • Visits: 714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Cabdiraxman Cirro iyo Masuliyin kale oo ka tirsan WADANI oo Dhaawaca Dagaalki Dharkayngeyo ku Bookhday Cisbitalka Hargeysa

    Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro

 oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbigaasi ayaa waxaa ay maanta cisbitalka Guud ee magaalada Hargeysa ku booqdeen dadkii ku dhawaacmey dagaalka Dharkeyn Geeyo ee Gobalka Sool.

 

7-14

Dadkan oo dhawaan la keenay cusbitalka magaalada hargeysa ayaa waxaa uu gudoomiyuhu mid mid u dul istaagay dadkii dhaawaca ahaa waxaana uu ka wareystay xaalidooda caafimaad ee Iminka isaga oo alleh uga baryey in uu caafimaad taam ah siiyo isla markaana kula dar daarmay in marka ay bogsadaan aanay dib u istaadhin coladaas oo had ay xukuumadu gacanta ku hayso xalinteeda

Gudoomiyaha oo markii uu dadkaasi dhawaaca ah soo booqday waxaa uu afaafka hore ee waadhka ay yaalan dhawacu uu kula hadley warbaahintawaxana uu dadkaasi halkaasi ku dagaalmaaya ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan isla markana ay qaatan qodobada laga soo saaroxalintadagaalkaasi isaga oona ugu baaqay inay arinka ka dhaxeeya labada beeloodba ay kusoo dabaalaan sansaan nabadeed waxaana uu yidhi

"Waxaanu maanta cisbitalka ku soo booqanay dad shacib ah oo rer Somaliland ah oo ka soo jeeda deegaamada Dharkeyn Geeyo ee gobalka Sool deegankaas oo dad shacab ahi oo xoolo dhaqato u badani ay isku laayeen , Dagaalka wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho waxaanu ugu baaqeynaa wax garada deegankaas in nabada laga shaqeeyo oo walal nimada la soo celiyo iyo wada noolashaha la soo celiyo .Waxaan Alleh ka baryayaa intii inaga dhimatey in alleh SWT u naxariisto waxaa inaga dhintay 50 ku dhawaad oo maanta aan dib inoogu soo noqanen, dad baa ku dhawaacmey waxaan alleh uga baryayaa in alleh caafimaad siiyo dadka Somaliland dhamaantood waxaan ugu baaqayaa in laga wada shaqeeyo sidii halkaasi nabad waarta looga dhalin lahaa , xukuumadana waxaan leeyahay waa in ay doorkeedii xasilinta nabad galyada ay gudato ” ayuu yidhi Gudoomiye Ciro

Si kasteba ha ahaatee dadka ku dhaawacmay shaqaaqada mudooyinkii u danbeeyeyba ka taagnayd deegaanka dharkayn geenyo iyo deegaano hoosyimada ayaa waxa dhaawacadooda la kenay cusbitaalka wayn ee maagaalada hargeysa iyaga oo xaaladooda lagula tacaalayo halkaasi.