Meelaha ay ka soo jeedaad Dadki weeraray Garoonka Diyaaradaha ISTANBUL oo la shaaciyey

0
Friday July 01, 2016 - 08:51:12 in by salman abdi
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meelaha ay ka soo jeedaad Dadki weeraray Garoonka Diyaaradaha ISTANBUL oo la shaaciyey

    Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay in saddexdii nin ee ka dambeeyay weerarkii Talaadadii lagu qaaday garoonka Diyaaradaha Istanbul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay in saddexdii nin ee ka dambeeyay weerarkii Talaadadii lagu qaaday garoonka Diyaaradaha Istanbul

ee Ataturk Air Port ay ahaayeen ajaaniib u kala dhalatay Ruushka, Uzbekistan iyo Kyrgyzstan oo ah dal ku yaalla bartamaha Aasiya.

0000000000000000000000000000000000000000000

Turkiga ayaa aaminsan in weerarkaas ay ka dambeeyeen Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ama IS, waxaana ku dhintay illaa 43 ruux, halka 230 kale ku dhaawacmeen.

Booliska Turkiga ayaa howl gallo uu ka fuliyay goobo kala duwan waxaa lagu soo qabtay illaa 13 ruux looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkaas.

Howl galada ayaa laga sameeyay meelo ka mid ah Istanbul iyo magaalada xeebta ku taal ee Izmir, sida saraakiisha Booliska ay sheegeen.

Howl galada ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee la dagaalanka Argagixisada.

Waxaa la shaaciyay dalalka ay u dhasheen dadkii ku dhintay weerarkaas, waxaana 26 ka mid ah ay ahaayeen Turkish isugu jira dad ka shaqeynayay garoonka, darawalo taksi, ciidamada amaanka iyo dad kale.

Sidoo kale dadka weerarkaas lagu dilay waxa ka mid ahaa lix u dhashay dalka Sacuudiga, Dhaqtar Tunisian u tagay Turkiga si uu wiilkiisa oo loo xiray inuu xiriir la leeyahay IS u sii daayo iyo dad kale.

Waxaa kaloo dadka ku dhintay weerarkaas ka mid ah muwaadin Shiinees ah, labo Ciraaqi ah, qof u dhashay Jordan, Uzbekistan, Iiraan, Ukraine iyo qof Falastiin ah, waxaase laga yaabaa in dadka dhintay ay ku jiraan kuwo heysta labo dhalasho.

Ma jirto illaa iyo hada cid sheegatay weerarkaas, hase ahaatee Mareykanka iyo Turkiga ayaa aaminsan inay weerarkaas mas’uul ka yihiin kooxda IS.