"Xildhiban qabille xisbiga kama tirsanee jamaal bu la qayilaa, Rooda na waxa wanagsan inay isku dhexkariskeedi iska karsato Tallaabona wan ka qaadaya" Faysal Ali warabe

0
Friday July 01, 2016 - 12:16:19 in by salman abdi
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xildhiban qabille xisbiga kama tirsanee jamaal bu la qayilaa, Rooda na waxa wanagsan inay isku dhexkariskeedi iska karsato Tallaabona wan ka qaadaya" Faysal Ali warabe

    Guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay eedayo uga yimi guddooyimaha xisbiga ee gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasiin iyo Xildhibaan Qabille oo ka tirsan golaha wakiilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay eedayo uga yimi guddooyimaha xisbiga ee gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasiin iyo Xildhibaan Qabille oo ka tirsan golaha wakiilada

Roda Axmed Yasin ayaa guddoomiyaha ku eedaysay inaanu metelin xisbiga iyadoo sidoo kalena sheegtay mawqifka guddoomiyaha ee maalgashiga dekedda Berbera aanu ka turjumayn mawqifka xisbiga.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ka hadlay hadalo ka soo yeedhay Xildhibaan Qabille oo uu sheegay inaanu haba yaraatee xisbiga ka mid ahayn, Faysal Cali Waraabe oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi:

"Horta Xildhibaan Qabille xisbiga kuma jiro dad hortii ayuu naga tagay markuu arkay Jamaal oo murashax ah ayuu garabka na soo qabsaday anagana nooma yimaadee Jamaal ayuu la qayilaa, Rooda Axmed Yaasiina waa badhasaab Madaxwaynihiisii caayay, Haddii Siilaanyo u dulqaatay inuu badhasaabkiisii caayo anigu u dul qaadan mayo tallaabo ayaan ka qaaday, Rooda Axmed Yaasiin ma hor istaagi karto maalgashiga Dekedda Berbera way iska hadlaysa ma iyadaa hor istaagi karta way iska hadlaysaa, idinku (wariyayaal) kamaradihiina ha iskaga khasaarinina waad iska garanaysaane, dumarkuna inay xishoodaan ayaa wanaagsan oo ay isku dhex kariskoodii isku karsadaan Roodana tallaabo ayaan ka qaadayaa waayo anigoo magacaabay ayay i cayday”. ayu yidhi faysal ali warabe