Gabadh Somaliyeed Oo Hore Uga Baxday Diinta Islaamka Oo Dawlada Norway Kale Noqotay Waraaqdii Dalku Ku Jooga

0
Saturday July 02, 2016 - 08:54:42 in by salman abdi
  • Visits: 888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Somaliyeed Oo Hore Uga Baxday Diinta Islaamka Oo Dawlada Norway Kale Noqotay Waraaqdii Dalku Ku Jooga

    Dawlada Norway Aya Sharcigii Kala Noqotay Gabadh Hore Diinta Uga baxday Iyo Marxalada Ay Hada Kusugantahay Dowlada Norway oo sharcigii kala laabatay Gabar Soomaaliyeed oo horay diinta uga baxday Doowlada Norway ayaa sharciga kala laabatay Khadra Yuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Norway Aya Sharcigii Kala Noqotay Gabadh Hore Diinta Uga baxday Iyo Marxalada Ay Hada Kusugantahay Dowlada Norway oo sharcigii kala laabatay Gabar Soomaaliyeed oo horay diinta uga baxday Doowlada Norway ayaa sharciga kala laabatay Khadra Yuusuf oo ah Gabar asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, balse xili hore gashay dalkaas qaadatayna Jinsiyada Norway.
Khadra waa Gabar qoraa ah caana ka ah warbaahinta Norway, waxeey kal hore ka baxday Diinta islaamka, waxeeyna mudo ku howlaneed aflagaadeenta Diinteena Suuban iyo Soomaalida ku nool Norway.
Khadra, waxeey dhawaan sheegtay in magaaladii ay ku dhalatay laga saaray Registerka, waxeey sidoo kale sheegtay ineey tagtay Xafiiska Registerka iyadoona halkaas kusoo ogaatay, in uu iyada qabtay sharciga ay Soomaalida Norway iyo ajaanibta kaleba ka qeeylinayeen maalmihii lasoo dhaafay.
 

Sidoo kale waxeey sheegtay in iyada oo aan ogeyn la tirtiray macluumaad iyo xog ku saabsaneyd aqoonsigeeda, waxeeyna Barta ay ku leedahay Facebooka soo dhigtay qoraal dheer oo ay kaga sheekeeyneyso goortii ay Norway timid, markii ugu horeysay oo ay Paasporka heshay iyo sida ay hada u dareemeyso in xaqdarro lagu sameeyay.
Khadra, ayaa Norway timid sanadkii 1988, waxeeyna sanadkii 2002 kusoo caanbaxday Barnaamij lagu magacaabi jiray Rikets Tilstand oo ay la diyaarisay TV2 kuna saabsanaa in Gabdhaha Muslimiinta la gudo.
Khadra, ayaa iyadoo hoos ku wadata Kaamirada Qarsoon su’aalo ku saabsan Gudniinka weydiisay Imaamyada Masaajida Norway qaarkood, waxaana Muuqaaladii ay duubtay markii dambe laga soo daayay Tv2. kadibna waxaa maalmihii iyo Bilihii ka dambeeyay abuurmay dood iyo cadaadis badan oo la saaray Muslimiinta Norway ku dhaqan guud ahaan, gaar ahaan Imaamyada masaajida.
Qaar kamid ah Imaamyadii ay soo duubtay, ayaa markii dambe sheegtay in muuqaaladii ay Gabadhaan soo duubtay ay yihii kuwo la gooy-gooyay oo sida ay su’aalaha iyo jawaabaha isku lahaayeen loo soo bandhigin.
Wixii intaas ka dambeeyay Khadra waxaa ilaalin jiray Police, maadaama ay sheegatay in hanjabaad iyo caga jugleyn joogto ah la kulanto maalin walbo.
Khadra waxeey u dhaxdaa Nin Norwigian ah, waxeeyna u dhashay caruur badan, Khadra waxeey si weyn uga qeyb qaadatay meel uga dhicida diinteena Suuban, iyadoo mar sheegtay in Quraanka laga saaro aayadaha hoos u dhigaya xaqa dumarka, sidoo kale waxeey caan ku noqotay bahdilka Soomaalida Norway, iyadoo si joogto ah qoraalo iyo maqaalo uga diyaarisa.
Ugu dambeyn lama huraan waa cowska Jiilaal ayay Soomaali ku maahmaahdaa, taasoo aan usoo qaatay in Khadro ay iloowday in asalkeedu Soomaali yahay, waxeeyna hada sugtaaba waa in Soomaaliya mardhow loo tarxiilo.