Dablay Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Maqaaxi Ku Taalla Magaalada Dhaka Ee Dalka Bangladesh+Sawiro

0
Saturday July 02, 2016 - 09:41:03 in by salman abdi
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dablay Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Maqaaxi Ku Taalla Magaalada Dhaka Ee Dalka Bangladesh+Sawiro

    Xoogaga hubeysan, ayaa xalay weeraray maqaaxi ku taala Magaalada Dhaka ee Caasimadda Bangladesh, iyadoona la soo sheegayo in ay afduub ahaan ugu haystaan 20 qof, oo ajaaniib ay ku jirto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga hubeysan, ayaa xalay weeraray maqaaxi ku taala Magaalada Dhaka ee Caasimadda Bangladesh, iyadoona la soo sheegayo in ay afduub ahaan ugu haystaan 20 qof, oo ajaaniib ay ku jirto.

23

A security personnel checks vehicles after gunmen stormed the Holey Artisan restaurant and took hostages, in the Gulshan area of Dhaka, Bangladesh July 2, 2016. REUTERS/Mohammad Ponir Hossain

A security personnel checks vehicles after gunmen stormed the Holey Artisan restaurant and took hostages, in the Gulshan area of Dhaka, Bangladesh July 2, 2016. REUTERS/Mohammad Ponir Hossain

Members of the Rapid Action Battalion are seen outside the Holey Artisan restaurant, where gunmen had taken hostages, in the upscale Gulshan area of Dhaka, Bangladesh, July 2, 2016. REUTERS/REUTERS TV

76

Maqaaxida la weeraray oo lagu magacaabo Holey Artisan Bakery, ayaa waxaa inta badan fariista dadka ladan iyo ajaaniibta ku nool Magaalada Dhaka.

Sideed nin, ayaa qaraxyo iyo rasaas xoogan ku weeraray maqaaxidaasi, iyagoona ku afduubtay 20 qof. Dadkan waxaa la sheegay in ay ku jiraan dad u kala dhashay Wadamada Talyaaniga iyo Japan.

Xalay oo dhan waxaa la maqlaayay rasaas iyo qaraxyo. Ragga weerarkan soo qaaday waxaa la sheegay inay wateen qaraxyo iyo rasaas fara-badan.

Ciidamada kala duwan ee Dowladda Bangladesh oo gaaray xeendaabka maqaaxida la weeraray, ayaa xiray wadooyinka soo gala, waxaana la arkaayay iyagoo gaadiidka baaritaano ku marsiinaya wadooyinka ka ag-dhow maqaaxidaasi.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran, ayaa kol dambe la sheegay in ay xoog ku galeen maqaaxida, hase ahaatee ma cadda in hawlgalka la soo afjaray iyo in kale.

Ururka Daacish oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka), ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka qorshaysan ee lagu galay maqaaxida Holey Artisan Bakery.

Weerarkan, ayaa baqdin xoog lihi ku beeray bulshada ku dhaqan Magaalada Dhaka, iyadoo dadku ay aad u hadalhayan weerarka argagagxiso ee lagu qaaday maqaaxidan.