Nuxurka Kulan Dhex Maray Ururada Bulshada Rayidka Ah(Sonsaf) Iyo Hogaanka Xisbiga Waddani

0
Saturday July 02, 2016 - 17:03:47 in by salman abdi
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kulan Dhex Maray Ururada Bulshada Rayidka Ah(Sonsaf) Iyo Hogaanka Xisbiga Waddani

    Dallada ay ku midaysan yihiin ururada bulshada rayidka ah ee Sonsaf ayaa ka hadashay kulan maanta dhex maray xisbiga Waddani.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dallada ay ku midaysan yihiin ururada bulshada rayidka ah ee Sonsaf ayaa ka hadashay kulan maanta dhex maray xisbiga Waddani.


Bishan July 2-keedii 2016-ka, Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland kuna hawlan arrimaha horumarinta dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka ayaa kulan la qaatey Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kulankaasi oo ka qabsoomey xarunta dhexe ee Xisbiga.
Warsaxaafadeed ka soo baxay dallada Sonsaf ayaa lagu faah faahiyey kulanka dhex maray ururada bulshada rayidka ah iyo xisbiga Waddani, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan

Kulankaasi oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’ iyo dhammaan saraakiisha sar sare ee xisbiga.

 

Kulankaasi oo daba socdey mid toddobaaddadii hore ay Ururada Bulshada Rayidku la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. Ujeeddada kulankaasi oo ahayd sidii Ururada bulshada Rayidka ahi ay ula wadaagi lahaayeen talooyin iyo qoraallo ku saabsan hanaanka doorashooyinka la filaayo iney qabsoomaan Dalka iyo diwaangalinta codbixiyaasha ee waddanka ka socota.

Ugu horreyn waxa ay ururada bulshadu la wadaageen Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo saraakiishii sare sare ee madasha shirka joogey qoraal ay ku soo ururiyeen talooyinkooda ku aadan sidii wakhtiga dhiman laysku waafajin lahaa in doorashada u diyaargarawgeeda si hufan looga wada shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso, isla markaana loo xoojin lahaa sidii doorasho xor iyo xalaal ahi ay waddanka uga dhacdo wakhtiga loogu talo galay, iyo waliba iyaga oo ku dhiirigeliyey in Xisbiga WADDANI uu kaalin weyn ka qaato hananaanka horusocod ee lagu hiigsanaayo doorashooyinka soo socda sidii ay wakhtigooda ugu dhici lahaayeen. Sidoo kale waxa ay ururada bulshadu ku baraarujiyeen in xisbiga WADDANI uu kaalin muuqata ka siiyo doorka haweenku ku leeyihiin siyaasadda waddanka, dadka naafada ah, iyo dadka laga tiro badan yahay-ba.


Ugu dambeyntii dhammaan Ururadii bulshada ee kulanka ka soo qeyb galay waxa ay su’aalo ka weydiiyeen Guddoomiyaha xaalada u diyaargawga doorashada aragtida xisbiga WADDANI ee ku aaddan dadka naafada ah, dadka laga tirada badan yahay iyo doorka uu dumarka ka siin doono kuraasida uu u sharaxaayo xisbigu, isaga oo mid mid uga warceliyey weydiimahaasi oo dhan oo qirey in Xisbiga WADDANI heegan ugu jiro in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto iyo iney qaateen talooyinka ay soo jeediyeen dhammaan ururada bulshadu. Kulankaasi waxa uu ku so dhammaadey si wacan oo dhinacyadu isla qaateen sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka.

 

Guddoomiyaha SONSAF

Mustafe Sacad Dhimbiil