Wasaaradda Haweenka Oo Ka Hadashay Sharci La Sheegay In Uu Liddi Ku Yahay Diinta Islaamka Oo Ay U Gudbisay Golaha Wasiiradda.
Wasaaradda Haweenka Somalia, ayaa intii lagu guda jiray bilihii hore ee Sannadkan waxa ay Golaha Wasiiradda hore geeyeen Qoraalka Siyaasadda Qaran ee Jinsiga kaasoo ka halayo Waxyaabo badan oo illaalinayo Gender-ka – Jingsiga oo ah qoyska, ee ka kooban Hooyadda, Aabaha iyo Caruurta.
Siyaasadda Qaran ee Jinsiga (National Gender Policy ) oo ka haleyso saro u Qaadista Waxbarashada Haweenka, Amniga, Ka-qayb-galka Syaasadda, u sinaanta shaqada Raga iyo Dumarka , Ka hortaga Gudniinka Fircooniga iyo illaalinta xaquuqda haweenka soomaaliyeed.
Wasaaradda ayaa illaa iyo saddex jeer lagu soo celiyay ugu danbeyntii ayay golaha wasiiradda soomaaliya meel mariyeen Bishii May, balse Dowladda FS ayaa hore looga dalbaday in ay saxiixo hishiiyadda caalamiga ee haweenka quseeya oo uu ka mid yahay hishiiska.
CEDAW oo la qoray Sanadkii 1979-kii, wuxuu dhigayaa tusaale ahaan marka uu ka hadlayo dhanka siyaasadda iyo nolosha guud, qodobkiisa 7aad: in ragga iyo dumarku u siman yihiin habka codeynta iyo doorashada, sidaas oo kalana ay ka siman yihiin qabashada xilalka dowladeed, iyada oo aan kala sooclahayn.
Isla Qodobkiisa 16-aad, waxa uu sheegayaa in haweenka iyo raggu u siman yihiin dhanka Guurka, oo gabdhuhu ay dooraan karaan guurka Qofkii ay doonayaan, waxa kale oo uu dhigayaa in dumarku ay dooran karaan tirada carruurta ay dhalayaan, waxa kale oo uu intaas ku darayaa Axdiga CEDAW.
Iyadoo halkaas laga anbaqaadayo ayay Wasaaradda Haweenka sheegtay In aysan qaadan Waxyaabaha ku Qoran hishiisyadda Caalamiga ah, ee aanan lagu soo darin Siyaasadda Qaran ee Jinsiga maadaama ay yihiin ummad muslim ah oo dhaqan iyo diinba ka soocan bulshooyinka kale.
Iyaddoo ay xaaladu halkaasi tahay ayay Hey’adda Culumadda Soomaaliyeed 28 Bishii June sanadkan 2016 waxa ay soo saareen bayaan ay kaga soo hore jeedaan Qodobo Ku jira Siyaasadda Qaran ee Jinsiga (National gender Policy) iyaga oo eegaya Meelaha ay iska Lahaan Karaan Hishiiska CEDAW oo aan kor ku soo xusnay qeyb ahaan ,culumaddu waxa ay si cad u qeexeen in hishiiska ay ku jiraan waxyaabo ka hore imaanayo diinta islaamka sida
-
In uu baneenayo sinada ,loona Arko Xaq biniaadamku leeyahay,
2. in la baneenayo 2 qof oo isku jinsi ah (2 Rag iyo 2 Dumar ah) ah ay is guursan karaan.
3. In la baabi’iyo masuuliyadda uu ninku ku leeyahay qoyska.
4. In gabadha is guurin karto waxna guurinkarto waxna furi karto.
5. Waxay amrayaan in la daahiyo Guurka Sharciga ah Albaabadana loo furo Sinada.
Wasaaradda Haweenka Oo Ka Hadashay Sharci La Sheegay In Uu Liddi Ku Yahay Diinta Islaamka Oo Ay U Gudbisay Golaha Wasiiradda.
Wasaaradda Haweenka Somalia, ayaa intii lagu guda jiray bilihii hore ee Sannadkan waxa ay Golaha Wasiiradda hore geeyeen Qoraalka Siyaasadda Qaran ee Jinsiga kaasoo ka halayo Waxyaabo badan oo illaalinayo Gender-ka – Jingsiga oo ah qoyska, ee k