Eden Hazard Oo Weli Ku Haminaya Inuu Koobab La Qaado Xulka Belgium Ka Dib Guuldaradii Wales.

0
Saturday July 02, 2016 - 18:00:05 in by Burco Office
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eden Hazard Oo Weli Ku Haminaya Inuu Koobab La Qaado Xulka Belgium Ka Dib Guuldaradii Wales.

    Eden Hazard ayaa si weyn uga niyadjabsan in xulka Belgium ay uga hareen Euro 2016 gacmaha xulka Wales, laakiin waxa uu sheegay in jiilka dahabiga ah ee ay xulkiisa heystaan inay mustaqbalka ku guuleysan doonaan koob.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eden Hazard ayaa si weyn uga niyadjabsan in xulka Belgium ay uga hareen Euro 2016 gacmaha xulka Wales, laakiin waxa uu sheegay in jiilka dahabiga ah ee ay xulkiisa heystaan inay mustaqbalka ku guuleysan doonaan koob.


"Waxaan weli ka sii shaqeyn doonaa hamiga ah inaan koobab ku guuleysano mustaqbalka” ayuu yiri Hazard.

"Tababare Wilmots cadaadis badan ayaa saaran. Waxa uu tababare inoo ahaa sannado badan. Waqtiyo waa weyn ayaan la soo qaadanay isaga.

edenhazard-cropped_41l9bhovooo31sxncgdsqj4m7

"Maanta [xalay] waxaa ina soo martay niyadjab, laakiin isagaa ka fekeri doona haddii uu nala sii joogi doono iyo haddii kale, haddii uusan nala sii joogin waxaan u rajeyn doonaa nasiib wacan mustaqbalka.

"Muddo labo sanno ka dib waxaan ka qeybgeli doonaa Koob Adduun. Waana hami kale oo aan leenahay, waxaan ka fekeri doona isreebreebka ka dib waxaan diirada saari doonaa Euro 2020. Waxaan heysanaa koox da’ yar, sidaasi darteed niyadsami ayaan ka qabnaa mustaqbalka.”