Sirdoonka Somalia oo Gacanta ku dhigay Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa iyo Hub

0
Sunday July 03, 2016 - 16:06:33 in by Burco Office
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirdoonka Somalia oo Gacanta ku dhigay Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa iyo Hub

    Ciidanka Nabadsugidda DF, ayaa sheegay in ay Xaafadda Sey-biyaano ee Degmada Hodan ku qabtay baabuur Waxyaabaha Qarxa iyo Hub laga soo buuxiyay, kaasoo ay sheegeen in la doonayay in lagu laayo shacabka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Nabadsugidda DF, ayaa sheegay in ay Xaafadda Sey-biyaano ee Degmada Hodan ku qabtay baabuur Waxyaabaha Qarxa iyo Hub laga soo buuxiyay, kaasoo ay sheegeen in la doonayay in lagu laayo shacabka Soomaaliyeed.


Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane oo Warbaahinta si gaar ah ula hadlay - ayaa sheegay in gaariga la qabtay ay ku Rarnaayeen waxyaabaha Qarxa iyo Hub ay ka mid ahaayeen; Baasuukaha, laba Qori ooAK-47 ah iyo waxyaabo kale.

"Baabuurkaan, Waxaa lagu qabtay xaafad ka dambeysa Say-biyaanno, Waxaana ku Rarnaa Waxyaabaha Qarxa iyo biro, kuwaasoo Al-shabaab ay doonayso inay Dadka Soomaaliyeed ku laayaan,” ayuu yiri Xalane.

Sidoo kale, Afhayeenka - ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhacay Xalay laguna soo qabtay gaarigan oo noociisu ahaa NOAH, wuxuuna tilmaamay in Ciidamada NISA ay Qaraxii ka fureen gaariga, isagoo intaas ku daray in gaariga Gacanta lagu dhigay ay qayb ka Qaateen qabashadiisa shacabka ku nool xaafaddaas.

Dhanka kale, Afhayeenka oo ka jawaabayay su’aal ahayd halka gaarigani yaallay markii la Qabanayay ayaa sheegay inuu yaallay geed hoostiis, balse ma uusan sheegin in lagu qabtay wax dad ah iyo in kale.

"Qabshada Baabuurkan waxaa gacan ka geystay shacabka xaafaddaas ku nool, waanan ugu mahad-celinaynaa, sidoo kale ciidamadii ku guuleystay hawsha lagu qabtay gaarigan waan u mahad-celinaynaa, ALLENA waxaan u Mahad-celinaynaa,” ayuu Xalane mar kale yiri.

Ugu dambeyn, Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo sidoo kale ciidamada Caawiya ee AMISOM, ayaan weli ka hadlin Gaarigan la qabtay inay doonaysy in ay Qarax ku fuliso iyo in kale.