Riiggii Biyaha Ee Banka Qool-cadey Ee Deegaanka Sallaxlay Oo Si Rasmi Ah Loo Dhagax-dhigay+SAWIRRO

0
Sunday July 03, 2016 - 17:14:06 in by Burco Office
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Riiggii Biyaha Ee Banka Qool-cadey Ee Deegaanka Sallaxlay Oo Si Rasmi Ah Loo Dhagax-dhigay+SAWIRRO

    Waxaa Maanta si rasmi ah loo dhagax dhigay Riig Biyo ka soo saari doonaa Banka Qool-caday kaas oo qeyb ka ah Mashruuca banka qoolcaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Maanta si rasmi ah loo dhagax dhigay Riig Biyo ka soo saari doonaa Banka Qool-caday kaas oo qeyb ka ah Mashruuca banka qoolcaday.


 

IMG_3062

12345678911121314141516171819212223

Munaasibad ka dhacday halka laga qodayo Riiggan oo ah Badhtamaha Banka Qoolcaday ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray Madaxda Axsaabta Qaranka, Wasiiro, Madax Dhaqameed iyo Masuuliyiin kale .

Waxaana ugu horayn si wada jir ah u dhagax dhigay Riig Biyoodka Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane C/laahi Maxamed Daahir Cukuse, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biix Cabdi .

Munaasibaddan ayaa waxaa ugu horeenba kalmado soo dhaween ah ka yidhi Duqa Degmada Salaxley Shiine Tahar waxaanu shegay in Mashruuca biyaha lagaga soo saarayo Banka uu yahay Mashruuc loo baahnaa, maadaama bu yidhi ay baahi wayn oo dhanka biyaha ahi ka jirtay Deegannadan .

Oday Axmed Ismaaciil [Ina Bidhiidh] oo ku hadlayay afka Deegaanka ayaa sheegay in Ballankii ay la galeen dawladda ee ahaa in mashruuca laga faa’idaysto oo la fuliyo in aanay ka bixin oo ay taageersanyihiin mashruucan gaar ahaan qaybta soo saarista biyaha.

Wasiirka Biyaha Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Muddo shan iyo labaatan cisho gudahood biyo lagaga soo saari doono Banka Qoolcaday .

Caaqil C/risaaq Maxamed Askar, Suldaan Axmed Cimaan Cadde Gude, Suldaan Maxamed Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashruucani guuleystay, bulshaduna ay sii diiran u soo dhaweenayso.

Gudoomiye Ku Xigeenka Guddida Guud Ee Sahan Barwaaqo Cismaan Baane oo halkaasi kalmado kooban ka yidhi ayaa sheegay in mashruucani yahay Mashruuc aad iyo aad loogu baahanyahay isla markaana ay ka Guddi ahaan ku faraxsanyihiin in uu fulo oo la dhagax dhigo.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Mudane Saleebaan Xaglo Toosiye oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha Biyuhu u leeyihiin caafimaadka, isagoo bulshadana ugu baaqay in ay ka faa’idaystaaan Mashruucan .

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Mudane Cali Shoombe oo hadlay ayaa sheegay in Mashruucan tacab badan galiyeen sidii uu looga dhaadhicin lahaa bulshada, waxaanu ku dardaaray Bulsahda deegaankaasi in ay fahmaan faa’idada mashruucan oo ay ka faa’idaystaan .

Xildhibaan Wali Axmed Xaawa oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadka deegaanku ayy u baahanyihiin in loo saaro biyaha kana faa’idaystaan .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa si adag uga hadlay dadka sameestay Seerayaasha ee dhulka balaadhan oottay, waxaanu sheegay in ay waajib tahay in wax laga qabto seeraha la ootay, isagoo dawladdana ugu baaqay in gacan dawladnimo ku fuliso mashruuc kasta oo bulshada dan u ah.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in uu wakhti badan ku bixiyay sidii bulshada Deegaankan uga dhaadhicin lahaa faa’idada mashruuca , sido kale wuxuu tilmaamay in uu ka shaqeeyay sidii uu Riiggu uu shaqadiisi u bilaabi lahaa .

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadaal badan ku bixiyeen sidii ay bulshada uga dhaadhicin lahaayeen Faa’idada Mashruucani u leeyahay, waxaanu xusay in ay jiraan dad faro ku tiris ah oo uu ku sifeeyay Munaafiqiin kuwaas oo bu yidhi Bulshada dhagta u saaray wax khaldan, balse bu yidhi Wasiirku aanu aakhirkii ku guuleesannay in aanu fahansiino Mashruuca .

Wasiir Cukuse ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay Dad uu ku tilmaamay aqoonyahanno la bidiyay garasho balse bu yidhi Wasiirku noqday kuwo ka caqli darnaaday dadkii baadiyaha ee aan aqoonta lahayn, waxaanu sheegay in Dadakaasi la tuhmayay iyo ninkii Reer baadiyaha ahaa ee la khalday in hal mar wax laga wada dhaadhiciyay .

Ugu danbeyntii, waxaa Munaasibadaasi soo xidhay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu Bulshada Deegaankaasi ugu baaqay in ay mashruucan ka faa’idaystaan.

Dhagax Dhiga Maanta ee Riig biyoodka ayaa qeyb ka ah Mashruuca Banka Qoolcaday oo ah Mashruuc ka kooban, Biyo, Waddo iyo Xanaanooyinka Xoolaha.