Isku Aadka Wareega Semi-finalka Koobka Euro 2016 Iyo Waqtiga La Ciyaarayo.

0
Monday July 04, 2016 - 10:00:25 in by salman abdi
  • Visits: 1108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku Aadka Wareega Semi-finalka Koobka Euro 2016 Iyo Waqtiga La Ciyaarayo.

    Waxaa xalayto soo dhamaaday wareega 8da ee koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016 iyadoo haatan ay afar kooxood isagu soo hareen tartanka ka socda dalka Faransiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalayto soo dhamaaday wareega 8da ee koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016 iyadoo haatan ay afar kooxood isagu soo hareen tartanka ka socda dalka Faransiiska.

composite-free-kick-graphic-messi-payet-ronaldo-bale_3489011-620x349

Xulalka Portugal, Wales, France iyo Germany ayaa isagu soo haray tartanka xiisaha leh ee Qaramada Yurub iyadoo midkood kooxahaan loo caleemo saari doono koobka qaramada Yurub marka la gaaro 10ka bishaan July.

Kulanka ugu soo horeeya ee wareega semi-finalka waxaa ciyaaraya xulalka Portugal iyo Wales, iyadoo kulankaan xiisaha leh ay isaga horimaan doonaan labo nin oo saaxiibo ku ah Real Madrid, Cristiano Ronaldo oo hogaaminaya Portugal iyo Gareth Bale oo hogaaminaya xulka Wales.

Kulankaan xiisaha leh waxaa la ciyaari doonaa 6da bishaan July, saacada geeska Afrika marka ay tahay 10ka habeenimo iyadoo ay ciyaartaan ka dhici doonto magaalada Lyon garoonka Parc OL Stadium.

Kulanka labaad ee wareega semi-finalka waxa uu dhexmari doonaa xulka Koobka Adduunka heysta ee Germany iyo xulka martigelinaya koobkaan ee France. Waana kulan adag oo u dhaxeeya labo xul oo quwad weyn ku dhex leh kubada cagta Yurub.

Kulankaan ayaa waxaa la ciyaari doonaa maalinta khamiista 7da bisha July, saacada Geeska Afrika marka ay tahay 10ka habeenimo, waxaana ay ciyaartaan ka dhici doontaa magaalada Marseille ee garoonka Stade Vélodrome.

Kulanka finalka waxaa la dheeli doonaa 10ka bisha July iyadoo ay ciyaarta finalka ka dhici doonto garoonka Stade de France ee magaalada Paris.

SEMI-FINALKA EURO 2016:

Arbaco – 6da bisha July

Portugal v Wales – 10ka habeenimo SGA

Khamiis – 7da bisha July

Germany v France – 10ka habeenimo SGA

FINALKA EURO 2016:

Portugal/Wales v Germany/France – 10ka habeenimo SGA