Marti Galiyaasha Euro 2016 Oo Gumaaday Xulka Qarankii Yaabka Euro 2016 Ee Iceland Iyo France Oo Afar Dhamadka La Ciyaari Doonta Germany

0
Monday July 04, 2016 - 11:21:42 in by Burco Office
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marti Galiyaasha Euro 2016 Oo Gumaaday Xulka Qarankii Yaabka Euro 2016 Ee Iceland Iyo France Oo Afar Dhamadka La Ciyaari Doonta Germany

    Xulka qaranka France ayaa si xarago leh ugu soo baxay afar dhamaadka tartanka qaramada Yurub ee ay marti galinayaan kadib markii ay si xun u xasuuqeen xulka qaranka Iceland. France ayaa muujisay sababta ay ugu cad cad yihiin ku guulaysiga Euro 2016 w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qaranka France ayaa si xarago leh ugu soo baxay afar dhamaadka tartanka qaramada Yurub ee ay marti galinayaan kadib markii ay si xun u xasuuqeen xulka qaranka Iceland. France ayaa muujisay sababta ay ugu cad cad yihiin ku guulaysiga Euro 2016 waxayna 5:2 ku gumaadeen xulka qaranka Iceland oo ka mid ahaa layaabka xagaagan ee Euro 2016.


Waxaa France guushan wayn ka caawiyay OlivierGiroud oo laba gool dhaliyay, Paul Pogba, Dimitri Payet iyo Antoine Griezmann oo min hal gool dhaliyay. Laakiin sidoo kale dhamaan Giroud, Pogba, Payet iyo Griezmaan ayaa sidoo kale sameeyay goolcaawinaad dhexdooda ah.France

France (4-2-3-1):Lloris; Sagna, Umtiti, Koscielny, Evra; Matuidi, Pogba; Sissoko, Griezmann, Payet; Giroud.

Kaydka: Jallet, Cabaye, Gignac, Martial, Schneiderlin, Mangala, Mandanda, Digne, Coman, Costil.

Iceland (4-4-2):Halldorsson; Saevarsson, R. Sigurdsson, Arnason, Skulason; Gudmundsson, Gunnarsson, G. Sigurdsson, B. Bjarnason; Bodvarsson, Sigthorsson.

Kaydka:Hauksson, Hermannsson, Ingason, Finnbogason, Kristinsson, Jonsson, Sigurjonsson, E. Bjarnason, Magnusson, Hallfredsson, Traustason, Gudjohnsen.

Qaybta hore ee kulankan ayaa si wayn uga duwanaa dhamaan kulamadii qaramada Yurub ee xagaagan ka socda dalka France, wuxuuna xulka qaranka France sameeyay wax aanu hore u soo samayn mid ka mid ah 24 kii xul qaran ee ka soo qayb galay Euro 2016. France ayaa qaybta hore ahayd kuwa garoonka wax kasta ka sameeyay waxayan Iceland u sheegeen in ay soo arkin xul qaran oo si buuxda u dhisan.

Dardartii iyo xamaasadii Iceland ayaa biyo qabaw lagu shubay waxaana la niyadbiyay qaybta hore ee ciyaarta kadib markii afar xidig oo France ahi ay shabaqa gaadheen isla markaana uuGriezmann isku darsaday laba gool caawineed iyo goolkiisii afraad ee tartanka qaramada yurub.

DAQIIQADII 12 aad xulka qaranka France ayaa bilaabay sheekada musalsalka noqotay ee gool dhalinta France, waxaana goolasha daah furayOlivierGiroudkaas oo kubbad fiican ka helayMatuidi, Giroud ayaa kubbada la soo dhex galay xerada ganaaxa Iceland wuxuuna darbo uu lugtiisa bidix ku sameeyay uu ku dhaliyay goolka furitaanka wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay France hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 20 AAD xulka qaranka France ayaa helay goolkii labaad ee niyadjabka u horseeday xulka qaranka Iceland, waxaana gool madax ah martigaliyaasha France u keenay Paul Pogba kadib markii uu kubbad cajiib ah ka helayGriezmann, Pogba ayaana si fiican uga dhex booday ciyaartoyda Iceland, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay France hogaanka ku dheerasytay iyada oo ciyaartu socotay 20 daqiiqo oo kaliya.

DAQIIQADII 43 AAD xulka qaranka France ayaa halkiisa ka sii watay qaab ciyaareedka aadka u fiicnaa ee ay soo bandhigeen qaybta hore ee kulankan, waxaana goolka saddexaad Les Bleus u saxiixay Dimitri Payet kaas oo goolkan ka dhaliyay goob ka baxsan xerada ganaaxa Iceland, wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad uu Griemann u soo joojiyay, waxayna ciyaartu noqotay 3:0 ay ciyaartu jaho kaliya ka socoto. Iceland ayaa isku dhex yaacday halka France ay ciyaarta ugu raaxeeyeen jamaahiirta martida loo ahaa.

Griezmann ayaa sidaa ku magiciisa ugu qoray gool caawinta Pual Pogba iyo Dimitri Payet, waxayna ciyaartu noqotay mid u muuqatay in ay xili horeba lagu kala baxay. Xulka qaranka Iceland oo si lama filaan ah sideed dhamaadka ku soo gaadhay ayaa dhibaato wayn kala kulamay France.

DAQIIQADII 45 AAD ee dhamaadkii qaybtii hore AntonioGriezmann ayaa dhulka sii jiitay xulka qaranka Iceland isaga oo si qurux badan oo cajiib ah kubbada uga dul qaday goolhayaha Iceland kadib kubbad fiican oo uu ka helay Giroud, wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolkiisii afraad ee Euro 2016 iyo isla goolka afraad ee France ee kulankan isaga oo ciyaarta ka dhigay 4:0 ay France ku xaaqayso Iceland. afar ciyaartoy oo ree Iceland ah ayaa baacsanayay Griezmaan laakiin wax cadaadis ah muu dareemin wuxuuna kubbada u farsamaystay si cajiib ah.

Kubbad hayn, ciyaar wanaag iyo gool dhalin wax kasta xulka qaranka France ayaa ciyaarta qaybteeda hore soo bandhigay iyaga oo aan dareemin wax cadaadis oo ah oo la sheegi karo. Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:0 ay France hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Iceland ayaa soo laabtay iyada oo isku dayaysa in ay ciyaarta wax ka badalaan isla markaana ay iska soo yareeyaan farqiga goolasha. Daqiiqadii 56 aad xulka qaranka Iceland ayaa la yimid goolkooda furitaanka waxaana kubbad fiican goolkan ku dhamaystiray Sigthorsson kaas oo ciyaarta ka dhigay 4:1 ay wali France hogaanka ciyaarta ku hayso.

DAQIIQADII 59 AAD oo ah saddex daqiiqo oo kaliya kadib goolka Iceland, Olivier Giroud ayaa markii labaad gaadhay shabaqa Iceland kadib kubbad qurux badan oo uu soo tuurayPogba, wuxuuna Giroud markan si fiican madaxa ugu darbeeyay kubbada soo gaadhay xerada ganaaxa Iceland isaga oo ciyaarta ka dhigay 5:1 ay France ku dhibaataynayso Icealand. Giroud ayaa laba gool dhaliyay wuxuuna sidoo kale sameeyay hal gool caawineed sidaa ayaana ciyaarta badal looga saaray isaga oo faraxsan.

DAQIIQADII 63 AAD xulka qaranka Iceland ayaa aad ugu dhawaaday in ay goolka labad helaan kadib markii uu Sverrir Ingason helay fursad cajiib ah laakiin goolhaye HugoLloris ayaa sameeyay badbaadin layaableh si uu Iceland uga beeno fursad cadaan ahayd.

DAQIIQADII 84 AAD xulka qaranka Iceland ayaa markale dadaal wayn sameeyay waxayna heleen goolkooda labaad waxaana markan gool madax ah u saxiixayBjarnason kaas oo si fiican u garaacay difaaca France gaar ahaan Evra wuxuuna ciyaarta ka dhigay 5:2 isaga oo soo yareeyay farqiga goolasha.

Si kastaba ha ahatee, kulan todoba gool layska dhaliyay isla markaana uu France awoodiisa ku muujiyay ayuu xulka qarankaLes Blues ugu soo baxay afar dhamaadka Euro 2016 waxayna balan ka samaysteen xulka qaranka Germany. Germany vs France iyo Portugal vs Wales ayaa isku wajihi doona afar dhamaadka laba ka mid ah ayaana finalka iskugu iman doona.