"France Waxa Ay Dooneysaa Inay Germany Ka Aargudato Guuldaradii Koobka Adduunka"Oliver Giroud

0
Monday July 04, 2016 - 11:38:15 in by Burco Office
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "France Waxa Ay Dooneysaa Inay Germany Ka Aargudato Guuldaradii Koobka Adduunka"Oliver Giroud

    Olivier Giroud ayaa sheegay in xulkiisa uu doonayo inuu ka aarguto Germany ka dib markii ay isku soo aadeen semi-finalka Euro 2016 xilli ay 5-2 ku xasuuqeen xulka Iceland ciyaartii xalayto ka dhacday Paris.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Olivier Giroud ayaa sheegay in xulkiisa uu doonayo inuu ka aarguto Germany ka dib markii ay isku soo aadeen semi-finalka Euro 2016 xilli ay 5-2 ku xasuuqeen xulka Iceland ciyaartii xalayto ka dhacday Paris.


Iyagoo inta badan si aayar ah ku bilowda koobkaan, France ayaa jaanta isla heshay ugu danbeyn, Giroud ayaa labo gool dhaliyay halka Paul Pogba, Dimitri Payet iyo Antoine Griezmann ay shabaqa soo taabteen, waxaana ay ciyaarta ku hogaaminayeen 4-0 waqtigii nasashada.

Xiddiga Arsenal oo ku guuleystay abaalmarinta xiddiga garoonka ayaa u sheegay suxufiyiinta ciyarata ka dib: "Marka dhankeyga laga eego waan faraxsanahay, wax intaas ka badan ma jiraan. Waan u faraxsanahay xulkeyga, qoyskeyga iyo shacabka France oo dhan.

olivier-giroud-france-iceland-euro-2016-qf-07032016_zwgafjhucpcz17gr5pkxbfjh1

"Ma garanayo haddii xalayto aan soo bandhigay qaab ciyaareedkeygii iigu fiicnaa ee France, waxaa i soo maray kulamo kale oo fiican. Laakiin marla loo eego Koobkii Adduunka ee 2014, Euro 2016 ayaa ah koobkeygii iigu fiicnaa ee heer caalami.”

Inkastoo uu Giroud ku faraxsanaa guushii ay France ka gaartay Iceland, hadana waxa uu qirtay in kulanka ay wajahayaan xulka heysta Koobka Adduunka ee semi-finalka inay noqon doonto mid aad uga duwan.

"Waa xulka heysta Koobka Adduunka, waxaana ay inta badan soo gaaraan wareega afar dhamaadka ee koobabka heer caalami.” ayuu yiri.

"Waxaan si weyn u dooneynaa inaan aargudano wixii dhacay Koobka Adduunka [guuldarro 1-0 ah oo wareegii sideeda]. Waxaan ku garaacnay halkaan kulan saaxiibtino [2-0 bishii November] laakiin gabi ahaanba waa ay ka duwanaan doontaa.

"Waxaan rajeynayaa kulanka Marseille in shacabka France ay u farxi doonaan sidii ay ahaayeen kulanki Paris ee iceland, waxaana ay ina taageeri doonaan ilaa iyo dhamaadka.

"Nasiib ayaan ku leenahay inaan semi-finalka ku hor ciyaareyno taageerayaasheena.”