Cristiano Ronaldo Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Niyad Jabka Lionel Messi & Ka Fariisashadiisa Xulka Qaranka

0
Tuesday July 05, 2016 - 10:17:01 in by Burco Office
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Niyad Jabka Lionel Messi & Ka Fariisashadiisa Xulka Qaranka

    Lionel Messi ayaa taageero aan in badan la rajeyneynin ka helay ninka ay aadka u xifaaltaman ee Cristaino Ronaldo kadib niyad jabkii uu ka qaaday xulka qaranka Argentina.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lionel Messi ayaa taageero aan in badan la rajeyneynin ka helay ninka ay aadka u xifaaltaman ee Cristaino Ronaldo kadib niyad jabkii uu ka qaaday xulka qaranka Argentina.

Kadib markii uu qasaariyay rigooradii sababtay iney markii labaad oo xiriir ah ku guuldareystaan hanashada Copa America kulan ay ka hor jeedeen Chile ayuu go’aansaday xiddigan shanta jeer heysta abaalmarinta Ballon d’Or inuu soo afjaro waayahiisa qaranka Argentina. Waxey aheyd guuldaradii afaraad oo caalami ah oo kasoo gaartay Messi kulan kama dambeys ah.

Hogamaiyaha Real Madrid Cristiano Ronaldo kaas oo isku diyaarinaya mid ka mid ah kulamadiisa ugu weyn waayahiisa qaranka Portugal madama ay Semi Finalka Euro 2016 ku wajahi doonaan Wales habeenka Arbacada ayaa taageero u muujiyay hawadana u mariyay hadalo lama filaan ah.

"Messi wuxuu qaatay go’aan adag dadkana wey fahmi karaan. ma uusan cadeysan guuldarada iyo niyad jabka xitaa hadii uu ku dhameystay kaalinta labaad. rigoore qasaarintu kaama dhigi karto ciyaariyahan xun” Ayuu yiri Ronaldo oo la hadlayayMundo Deportivo.

"Wey i dhaawaceysaa inaan arko ilinta Messi. Waxaan rajeynaa inuu kusoo laabto dalkiisa. sababtoo ah wuu u baahan yahay” Ayuu yiri kabtanka Portugal CR.

Ronaldo sida Messi waligiis tartan caalami ah uma qaadin dalkiisa, halkii mar oo uu ku dhawaaday waxey aheyd Euro 2004 markaas oo ay tageen Finalka tartanka iyagoo martigaliyayaasha ah, balse Greece ayaa si layaab leh uga qaaday.