Neymar Oo Ka Hadlay Dacwadaha Loo Haysto.

0
Tuesday July 05, 2016 - 12:14:11 in by salman abdi
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Neymar Oo Ka Hadlay Dacwadaha Loo Haysto.

    Xiddiga Barcelona ayaa ka hadlay sida uu uga xun yahay sida ay u la dhaqmeen qeybo ka mid ah saxaafada ee la xiriira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga Barcelona ayaa ka hadlay sida uu uga xun yahay sida ay u la dhaqmeen qeybo ka mid ah saxaafada ee la xiriira

kiisaska dhanka sharciga ah ee uu qeybta ka yahay, isagoo sheegay inuusan aheyn danbiile.

neymar_416x416

Heshiiskii uu Neymar uga soo wareegay Santos ee uu ku biiray Barcelona sannadii 2013 ayaa kiisas ka dhan ah waxa ay ka furan yihiin Spain iyo Brazil, iyadoo Neymar iyo aabihiis lagu eedeeyay qiyaano canshuur.

Maxkamada federaalka ee Sao Paulo ayaa amar ku bixisay in la fariisiyo hantida kabtanka Brazil ee 45 milyan euro bishii Febraayo taasoo qeyb ka ah baaritaanka.

Barca ayaa ogolaatay bishii hore inay bixiso ganaax 5.5 milyan euro si loo xero kiiska ka furan Spain, laakiin kiiska Sao Paulo weli waa uu furan yahay.

barcelona-2015-2016-neymar_1qsfwvetfz81q1vfwxlqm5lv5z

Neymar ayaa kalsooni ku qaba in kiiskaas isna la xaliyo dhawaan, waxaana uu carabka ku adkeeyay inuu yahay bilaa danbi.

"Ma aanan sameynin wax qalad ah. Ma ahi danbiile” ayuu Neymar u sheegay Isto E.

"Nasiibdarro, dadka qaar waxa ay mar walba isku dayayaan inay abuuraan waxyaabo muran dhaliya. Kalama garanayo haddii wax qalad ah loo sheegay ama haddii ay si ku talo gal ah u sameynayaan. Laakiin waxba ma ahan.

"Runta waxa ay tahay inaan hubo in wax walba la xalin doono dhawaan. Arimahaan dhib iguma hayaan.

"Aabaheey ayaa xaliya wax walba oo ka baxsan garoonka, waxaana ku qabaa kalsooni buuxda. Nasiib ayaan ku leeyahay in aabaheey uu arimahaan iga xaliyo oo uu iga dhinac shaqeynayo, si aan diirada u saaro ciyaarista kubada cagta.”