Daawo: Madaxweynaha somaliland oo Shacabkiisa qaarkamida ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada kan Guddoomaya Salaamihi Ciidka+SAWIRO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa saaka salaadda Ciidal Fidriga kaga qaybgalay masjid Jaamac Caasimada Hargeysa,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tukashada iyo khudbada raacday ka dib halkaasi ka jeediyey ereyo ku saabsan salaanta ciidda, fadliga ay leeyihiin maalmaha ciiddu, farxada ku dheehan iyo duco uu ugu rajeeyey ummadda islaamka wanaag iyo nabadqab.
halkaasoo ay ku soo xaadireen kumaan qof oo ku tukaday gudaha iyo dacallada masjidkaasi.
Hargeysa(Warsugannews)Salaadda oo uu tujiyey wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa ka mid ahaa tiro wasiiro, wasiiro ku xigeeno, madaxda ciidamada kala duwan ee dalka, masuuliyiinta wasaaradda Madaxtooyada, oo ay la safnaayeen dadweyne tiro badani.
Imaamka ayaa salaadda takbiirta badan ee ciidda ka dib, halkaasi ka jeediyey khudbad uu ku faah-faahinayo munaasibada ciidal fidriga iyo sida Alle Subxaana wa-tacaala iyo Rasuulkiisu (NNKH) u maamuuseen. Waxa kaloo khadiibku ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in la joogteeyo cibaadaysiga sidii la ahaa bishii barakaysnayd ee Ramadaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tukashada iyo khudbada raacday ka dib halkaasi ka jeediyey ereyo ku saabsan salaanta ciidda, fadliga ay leeyihiin maalmaha ciiddu, farxada ku dheehan iyo duco uu ugu rajeeyey ummadda islaamka wanaag iyo nabadqab.
Madaxweynaha waxa ka mid ahaa hadaladiisi "Ciid Mubaarak, Ciid Mubaarak, kullu-caam wa-antu bikhayr, Ilaahay sanadka sanadkiisa ha inagu gaadhsiiyo bash-bash, barwaaqo iyo nabad”. Waxan salaanta ciidal fidriga ku salaamayaa dadyawga islaamka guud ahaan iyo gaar ahaan shacbiga Somaliland, waxan leeyahay ku ciida farxad iyo rayn-rayn, ciidda ciideedana Ilaahay ha inagu gaadhsiiyo liibaan iyo wanaag.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan xukuumaddu ayaa waxay la tukadeen shacbigii ku sugnaa garoonka 31-MAY ee Caasimada Hargeysa.