Suxufi u Dhashay Waddanka Jarmalka oo caan ka ah waddankas oo Diinta islaamka Qaatay

0
Wednesday July 06, 2016 - 16:18:03 in by salman abdi
  • Visits: 668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suxufi u Dhashay Waddanka Jarmalka oo caan ka ah waddankas oo Diinta islaamka Qaatay

    Saxafi caan ka ah dalka Jarmalka oo hore loogu yaqaanay taageerada uu siiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxafi caan ka ah dalka Jarmalka oo hore loogu yaqaanay taageerada uu siiyo

 qadiyadda reer Falastiin ayaa tegay maanta Masjid ku yaala magaalada Berlin ee dalka Jarmalka si uu u shaaciyo inuu qaatay Diinta Islaamka.

Martin-lejeune

Video la soo dhigay baraha Bulshada ku xiriirto ayaa muujinaya saxafiga Martin Ligon ayaa muujinaya saxafiga oo ku sugan Masjidka kuna soo beegay islaamnimadiisa Ciidul firtiga islaamka iyo dhammaadka Bisha Ramadaan, iyadoo muslimiinta Jarmalka ay maanta ciid u ahayd qaarkood.

Saxafiga Ligon ayaa laga so xigtay inuu islaamka macnihiisu yahay Nabad, isaguna uu dareemayo Nabadda marka uu Masjidka ku jiro, marka uu dukanayana uu dareemo inay nabad hareyneyso.

Dadkii muslimiinta ahaa ayaa ku dhawaaqay "Allaahu Akbar” markii Imaamka Masjidka uu shahaadda u qabtay Saxafiga caanka ah ee reer Jarmal.

Imaamka ayaa rajeeyay inuu saxafigu noqdo safiir islaamku leeyahay. Wuxuuna hore caan ugu ahaa inuu si weyn u taageero qadiyadda reer Falastiin, isla markaana karaaheysto Yuhuudda.