
"Qolada Kulmiye way ku farxayeen Burburkii UDUB, laakiin is haysiga Kulmiye waan ka xumahay," Siciid Sulub Wasiirkii hore hawlaha guud
hawlaha qaranka kaga mashquulin ishaysiga Kulmiye. Waxa uu isbarbar dhigay Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukumaddii Daahir Rayaale ee uu ka tirsanaa.
Siciid Suluboo u waramay Geeska Africa wuxuu yidhi isagoo ka hadlaya Khilaafka Kulmiye "Qolada Kulmiye way ku farxayeen Burburkii UDUB, laakiin is haysiga Kulmiye waan ka xumahay, maxaa yeelay is haysiga Kulmiye, waxa uu sameeyey Xukuumadda. Xukuumaddii dalka xukumaysay iyo qeybo ka mid ah Xisbiga ayaa is haya. dadku wuu is qabtaa wixiisana hoos ayuu u dhigtaa oo wixii khilaaf ee jira hoos ayaa loo dhamaystaa, in Xukuumaddu saf u gasho Xubno ka mid ah Xisbiga Kulmiye looma baahnayn.waxaan leeyahay Xukuumaddu yaanay faraha ka qaadin taladdii Qaranka ee lagu ogaa, oo Muran dhexdooda ah oo xisbiyeeysan yaanay ku mashquulin, sida ay sheegayaana haddii ay raganimo jirto waxa ay ahayd in haddii ay iyagu haystaan Kalsoonida waxa ay ahayd in Xisbiga dhexdiisa ku murmaan,oo Sharciga Xisbiga lagu murmo, Sifo sharciyana loo murmo oo Qodobada Xeerka Xisbiga dhigtay iyo Qodobada Xeerka Qaran ee Xeer 14 lagu kala baxo. madaama Taladdii Qaranka Xisbiga Kulmiye hayo, maaha in dalka iyo dalkaba ku mashquuliyaan is qabqabsigooda iyo is haysigooda, iyada oo dalkani cago adag ku taagnayn, ee dhibta badani haysato, ee geedi socodka dheer ku socda inay curiyaamiso Muranka Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ah looma baahna. waxaan leenahay arintaas ha ka tanaasuleen, Xisbiguna wixii khilaaf ah dhexdiisa ha ka dhameeysto, Xukuumadduna Taladdii Qaran ee loo igmaday ha ku eekaato”.
Siciid Sulub mar uu ka hadlay Musharaxnimada Madaxweyne ee Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu yidhi "Dastuurkeenu waxa uu leeyahay Qof walba waa la dooran karaa,waxna uu dooran karaa, Xeerarka Xisbiyaduna waxa ay leeyihiin Qofka kastaaba siiba Golaha Dhexe way is sharixi karaan, SharaxaadaMadaxweynuhuna dambi maaha, Muuse Biixi haddii uu yidhaahdo waan is sharaxaya dambi maaha, umana arko dambi, balse malaa Kulmiye waxa xukuma waxa aan Xeerar ahayn oo kale, hawlo kale ayaa ka dhexeeya malaa”.
Siciid Sulub isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuuyidhi "Anigu ma qabo in Xisbiga Kulmiye ku baaba’ayo Murankan imika, Kulmiye, ciduun ayaa u hadhi doonta, Shuruucayuu leeyahay, muddo Tobon Sanno ah ayuu haystaa inuu sii jiro, laakiin waxa aan qabaa in Xukuumaddu ku laciifayso Muranka jira, Qodobadii Sharciga ahaa ee uu ku burburayey Xisbiguna lama gaadhin”.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumaddii hore isaga oo isbarbar dhig ku sameeyey Xukuumaddii hore ee uu ka tirsanaa iyo Xukuumaddan ayaa yidhi "Anaga Nimankani naga hawl badan, haddii ay Xisbi ahayeena way naga hawl badnayeen haddii ay Xukuumad yihiina way naga hawl badnayeen, hawl badnidaasi ma Raganima iyo Xiniyo shidayaa, ma dhibaato naftooda iyo dalka u leeyiinbaa dadka ayaa ka jawaabi doona, Xukuumad dalka aan wax soo tarin Afartii Xukuumadda ee ay iyagu ugu dambeeyaan ma jirto, mid aan dalka meel wanaagsan soo gaadhsiina ma jirto, balse iyagu waxa ay dheer yihiin Muranka Xukuumadda dhexdeeda ah iyo Muranka Xisbiga dhexdiisa ah.
Dadku iyaga ayaaDawladdii hore ogaa, Dawladdana og, Xukuumaddaydii hore waxa jirtay Masuuliyad ijtimaaciya, oo waanu isku xidhnayn si wanaagsan ayaanu dadka ugu shaqeeynaynay, balse imikana koox koox ayaajirta oo wey iska muuqataa”.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi "Dadkeenu waxa ay Shalay jeclayeen ayey Maanta nacayaan, Sannadkii 2003 waxa la doortay oo Doorashadii helay Daahir Rayaale Kaahin, oo Shacabku Daahir Rayaaleayey ka jeclaadeen Siillaanyo, Sannadkii 2010 Siillaanyo ayey ka jeclaadeen, markaas jaceylka dadku waa iska caadifad, oo wax badan kuma dhisna, Maantana Siillaanyo iyo Xukuumaddiisaba waa la garan karaa”.
Siciid Sulub isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi "Aqoonsiga Somaliland cidi ma raadiso, haddii la raadiyo waa la heli lahaa, waxaana imika lagu mashquulay sidii Koonfur loola hadli lahaa, Albaabadii Ictiraaf raadintana waa la soo xidhay, arintunana waxa ay noqotay Xamar iyo Istanbul, balse anigu waxa aan qabaa in haddii Xukuumaddani aaminto in Ictiraaf la helayo, oo dadaal iyo wakhti lagu bixiyo oo la doono, Ictiraaf waa la heli lahaa, Afrika ayaaugu horeeysay, iyada oo Dawladdani aanay wali hor fadhiisan Dawlad qudha oo Afrika ah, sidoo kale Yurub, Amerika iyo Wadamada kale in Ictiraafka laga raadiyo ayey ahayd, Dawladdihii hore eeSomaliland soo maray Wadamada Caalamka Qadiyada Somaliland wey fahan siiyeen, meel wanaagsana wey soo gaadhsiiyeen, Saaxiibana Aduunka weynu ku lahayn, waxaan ku talin lahaa halkii laga sii wado Ictiraaf waa la helayaaye,
Siciid Sulub mar aanu wax ka weydiinay Xisbiga uu jecel yahay inuu ku biiro waxa uu yidhi "laba mid ayey miduun noqonaysain Qofku ka baxo Siyaasada, ama waxa jira uu ka mid noqdo, anigu waxa aan jeclaystay in aan nasto madaama aan muddo dheer ku soo jirey Siyaasada, muddadii nasashadana way iska dhawdahay, madaama Doorashadiina Hal Sanno ka hadhay Saddexda Xisbi ee jira ayaan mid ku biiri doonaa haddii ILLAAHAY SWT yidhaahdo”.





0 

"Qolada Kulmiye way ku farxayeen Burburkii UDUB, laakiin is haysiga Kulmiye waan ka xumahay," Siciid Sulub Wasiirkii hore hawlaha guud
Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumaddii hore ee UDUB Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa Xukumadda u soo jeediyey inaanay ...