Suldaan Ibraahim Jaamac Samater Oo Casho Sharaf Maamuus Leh Usameeyay Waftiga Garaadada Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Ka Qeyb Galey Caleemasaarka Boqorka Beelaha Daarood +Sawiro

0
Saturday May 31, 2014 - 01:20:38 in by salman abdi
  • Visits: 1423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Ibraahim Jaamac Samater Oo Casho Sharaf Maamuus Leh Usameeyay Waftiga Garaadada Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Ka Qeyb Galey Caleemasaarka Boqorka Beelaha Daarood +Sawiro

    Casuumada casho sooryeedka ah ee Suldaan Ibraahim Jaamac Samater ku maamuusey Waftiga Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Madaxdhaqameedkooda iyo Garaadka Guud ee Beelaha Absame

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Casuumada casho sooryeedka ah ee Suldaan Ibraahim Jaamac Samater ku maamuusey Waftiga Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Madaxdhaqameedkooda iyo Garaadka Guud ee Beelaha Absame

Suldaanka Gobolada Awdal Salel, iyo Gabiley, Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo uu wehelinayo,Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiknoolajiyada Caalamiga ah Aadan Cilmi ayaa casuumad casho sooryeed ah ku maamuusety Salaadiintii, Garaadadii, iyo isimadii, iyo Wasiirka Cadaalada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee kayimid dhinaca Dowlada Puntland kadib markii ay ka qeyb galeen caleemasaarkii Boqorka beelaha daarood islamarkaana, ay dhinaca Qardho kasoo raaceen waftiga Somaliland uga qeyb galey Munaasibadaasi si ay uga wareegaan gudaha Somaliland 


Casuumada casho sooryeedka ah ee Suldaan Ibraahim Jaamac Samater ku maamuusey Waftiga Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Madaxdhaqameedkooda iyo Garaadka Guud ee Beelaha Absame, iyo waliba masuuliyiinta Dowlad Deegaanka Itoobiya, oo lagu qabtey Huteelka Safaari ee Magaalada Hargeysa oo aheyd mid si heer sare ah loo soo

agaasimey oo maamuus sare, iyadoo Madaxdhaqameedka iyo Isimada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya,oo uu hogaaminayay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiilwaal, oo ah garaadka Guud ee Beelaha Absame oo ay wehelinayeen Suldaan Cabdikariim Qalinle, Ugaas Xuseen Ugaas Cabdi Ugaas Xuseen, Suldaan Cabdiraxmaan iyo Wasiirka Cadaalada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Xuseen Cabdi, iyo waliba Sarkaal sare oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Guud ee Dowlada Itoobiya(Golaha-Guurtida) Xildhibaan Maxamed Xassan, iyo Isimo kale.

Waxaana ugu horeyn halkaa hadal soo dhaweyn aha ka jeediyay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiknoolajiyada Somaliland Aadam Cilmi Warsame oo Sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin Salaadiinta Garaadada, iyo isimada dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ee kusugan Magaalada Hargeysa, islamarkaana Somaliland usoo marey si ay ugu gudbaan Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.

Waxa kale oo isaguna Munaasibada Casho sharafeedkaasi uu ku martiqaadey Garaadada, Ugaasyada,Masuuliyiinta iyo waftiga Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka hadley Suldaan Ibraahim Jaamac
Samater oo sheegay in Waftigani kasoo Qeyb galeen Caleemasaarkii Boqorka Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse, kaas oo ay Waftiga Reer Somaliland ee madaxdhaqameedka ah halkaa iska soo weheshadeen iyadoo,
ay munaasibadani muujineyso walaalnimada u dhexeeya labada dhinac ee jaarnimada iyop ehelnimadaba leh, Waxaanu Syuldaanku ka codsadey Waftigan in ay dib ugu soo noqdaan dalka Somaliland, isagoo dhinaca kalena xusey in ay iyaguna ka jawaabi doonaan Socdaalkan, dhawaana tagi doonaan Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaana Maanta Galinkii dambe loo galbiyay Xubnaha Waftigan dhinaca Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala Xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Somaliland halkaas oo ay kusii maca salaam,eeyeen Suldaan Ibraahim

Jaamac Samater, Boqor Maxamuud Cali Carab iyo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, iyadoo ay galbiskan kala soo qeyb galeen Salaadiinta Somaliland ee dhinaca Dowlada Puntland kasoo Kexeeyay Sahal Maxamed Jaamac Ergeyga gaarka h ee Madexweynaha u qaabilsan Gobolada Barri, iyo Maamulka Gobolka Gabiley.

 


Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Conatct@afkashacabka.com