Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Xalay Soo Xidhay Carwada Jaamacadaha Somaliland Oo Socotay Laba Cisho (Sawiro).

0
Monday August 01, 2016 - 10:19:43 in by salman abdi
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Xalay Soo Xidhay Carwada Jaamacadaha Somaliland Oo Socotay Laba Cisho (Sawiro).

    Waxaa habeenimadii xalay ahayd lagu soo gaba gabeeyay Hargaysa carwada Jaamacadaha Somaliland oo ay ka soo qayb galeen jaamacado tiradoodu gaadhaysay laba iyo soddon jaamacadood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa habeenimadii xalay ahayd lagu soo gaba gabeeyay Hargaysa carwada Jaamacadaha Somaliland oo ay ka soo qayb galeen jaamacado tiradoodu gaadhaysay laba iyo soddon jaamacadood.

Carwadan ayaa socotay muddo laba cisho ah, taasi oo ay jaamacadaha ka soo qayb galay ay ku soo bandhigeen aqoonta kala duwan ee ay ardayda udhigaan, sidoo kale waxa ay jaamacad walba lasiiyay wakhti ay ku soo jeediso hal mawduuc, taasi oo qiimayn lagu samaynayay hababka ay usoo kala jeedinayaan mawduucyada iyo mawduucyada ay kala qaateen jaamacaduhu.

Ugu horayna waxaa faahfaahin ka bixiyay qaabkii iyo sidii ay hawshu usocotayba Agaasimaha Tacliinta Sare ee Somaliland Yuusuf Axmed Cali "Waxaynu halkan ku qaadanay laba cisho oo aynu kaga faa’iidaysanay dhaqankii, siyaasadii, dhaqaalihii iyo aqoontii kalaba, waxayna caawa soo gaadhnay gabagabadii,waxaynu shahaadooyin gudoon siin doonaa dadkii iyo jaamacadihii labadii cisho ee ay socotay carwadu dadaalka badan muujiyay, mudana in shahaadooyin lagudoon siiyo” ayuu yidhi Agaasime Yuusuf Axmed Cali.

Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay agaasinuhu in ay jirtay gudi qiimaynaysay intii carwadu socotay agabka iyo qaabka ay jaamacuduhu uga soo qayb galeen carwada ku waasi oo saddexdii jaamacadood ee qiimaynta ay sameeyeen ugu sareeyay gudoon siiyay shahaadooyin, waxaanu xusay gudoomiyaha gudida qiimaynaysa jaamacaduhu in ayna jaamacadaha ku kala qiimaynin tayada waxay dhigaan laakiin qiimayntani ahayd oo keliya siday carwada uga qayb qaateen.

Ugu dambayntiina waxaa carwada jaamacadaha Somaliland oo labadii cisho ee u dambaysayba ka socotay Hudheelka Guuleed soo xidhay wasiirka wasaarada wax barashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane oo sheegay inuu ku faraxsanyahay in Carwo noocan oo kale ah ay iskugu yimaadaan Jaamacadaha Somaliland " dhamaan jaamacadihii ka soo qayb galay ee weliba meesha fog kayimid sida Badhan, Laascaanood, Ceerigaabo aad iyo aad ayay u mahadsanyihiin, jaamacadaha sida firfircoon usoo bandhigay casharada aad ayay umahadsanyihiin, waxaa loo baahanyahay in ladaabaco oo hal bug laga dhigo saddex iyo tobankaa mawduuc ee ay jaamacaduhu soo bandhigeen, diyaanra waanu unahay arinkaa waxaanan agaasimka guud ee tacliinta sarana farayaa inay keeneen si loodaabaco” ayuu yidhi wasiirku.

Waxaanu wasiirku amaan usoo jeediyay cidkasta oo wasaarada wax barashada katirsan oo ka qayb qaadatay carwada " agaasimka guud ee wasaarada tacliinta sare iyo shaqaalihiisaba amaan ayaan usoo jeedinayaa” ayuu yidhi wasiirku.

Mar uu wasiirku ka hadlayay kor uqaadida tayada waxbarasha ayaa waxa uu yidhi " anaga waxay noola muuqatay in ardaydu ay ubaahanyihiin wakhti badan oo laga dhiso luuqadaha Ingiriisiga, carabiga iyo Afsomaliga ujeedaduna waa tayaynta wax barashada, arintaa tayaduna sidaan hore usheegay macalinka oo latayeeyo mooyee masuuroobayso, maantana waxaanu bilawnay dhismihii kuliyada tobobarka macalimiinta, waxaanu noqon doonaa hoygii waxbarashada macalimiinta” ayuu yidhi.

Waxaa sidoo kale xidhitaankii carwada hadalo kajeediyay qaar kamida masuuliyiinta jaamacadihii kasoo qayb galay carwada, kuwaas oo dhamaantood xusay faa’iida ay leedahay in carwo noocan oo kale ah ay jaamacadaha Somaliland ku kulmaan.