Milleteriga iyo Sirdoonka Turkiga oo la Hoos Geynayo Madaxtooyada Turkiga iyo Madaxweyne Erdogan oo ku hawlan

0
Monday August 01, 2016 - 10:42:55 in by salman abdi
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milleteriga iyo Sirdoonka Turkiga oo la Hoos Geynayo Madaxtooyada Turkiga iyo Madaxweyne Erdogan oo ku hawlan

    Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa doonaya in uu wax ka beddelo Dastuurka dalkiisa si loo siyaadiyo awoodda Madaxweynaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa doonaya in uu wax ka beddelo Dastuurka dalkiisa si loo siyaadiyo awoodda Madaxweynaha.


timthumb

Erdogan ayaa doonaya in Madaxa Sirdoonka Turkiga iyo Taliyaha ciidanka Millateriga la hoos-keeno Madaxweynaha oo ay si toos ah uga amar qaataan.

Sidoo kale Erdogan ayaa doonaya in wax laga beddelo qaabka wax loo baro ciidanka Millateriga, waxaana uu amar ku bixiyey in la xiro dhamaan Iskuulada Askarta, waxaana lagu beddalayaa Jaamacadda Qaranka ee Millateriga, sidaas waxa uu ka sheegay waraysi uu siiyey Telefishanka A-Haber.

Wax ka beddelka dastuurka ayaa u baahan in uu taageero ka helo Xisbiyada mucaaradka.

Sharciga Turkiga ee hadda ayaa dhigaya in Taliyaha Sirdoonka iyo Taliyaha ciidanka Mileterigu ay hoos imaanayaan xafiiska Raysalwasaaraha.

Erdogan ayaa sheegay in isku daygii fashilmey uu ku yimid fashilka Sirdoonka Turkiga.