Madaxweynaha Suudan Oo Wacad Ku Maray Inuu Afrika Ka Xoreyn Doono Gumeysiga Cusub

0
Monday August 01, 2016 - 12:31:10 in by Burco Office
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Suudan Oo Wacad Ku Maray Inuu Afrika Ka Xoreyn Doono Gumeysiga Cusub

    Madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa wacad ku maray shalay galinkii dambe mar uu khudbad ka jeedinaayay caasimada dalkaa ee Khartoum inuu ka xoreyn doono qaarada Afrika gumeysiga cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa wacad ku maray shalay galinkii dambe mar uu khudbad ka jeedinaayay caasimada dalkaa ee Khartoum inuu ka xoreyn doono qaarada Afrika gumeysiga cusub.
Wuxuu Madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir sheegay inay ka go'an tahay inuu burburiyo macaahiida caddaalad darrada uuna ka xoreyn doono Afrika gumeysiga cusub ka siyaasad ahaan iyo dhanka dhaqaalaha intaba.
Madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa khudbad u jeedinaayay dad tiro badan garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee caasimada Khartoum kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tagay Addis Ababa, Itoobiya.
"Wadamada Reer Galbeedku ma oga inaan matalo dadka Sudanese-ka ah. Waanu ka weynahay dad dadka cadaadiya iyo asxaab juhalo ah.” Al-Bashiir ayaa sidaa yiri.
"Waxaanu dumin doonaa dhammaan macaahiida caddaalad darro waxaana Afrika ka xoreyn doonaa gumeysiga cusub, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Si adag ayaanu u taagan nahay sida buuraha mana nala dumin doono.” Intaa ayuu ku daray Madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir.
Bishii Maarso 2009, Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa waxay soo saartay waaran lagu soo xiraayo Madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir ayadoo ku eedeysay inuu dambiyo dagaal ka galay gobolka Darfur ee Suudaan.
Si kastaba ha ahaatee, dawlada Suudaan ayaa gaashaanka u daruurtay inay u hoggaansanto waaranka ayadoo sheegtay inaysan saxiixin heshiiskii Rome ee lagu dhisay maxkamadaa.
Madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa waxaa la siiyay Abaal Marinta Horyaalnimo ee Sharafta Afrika (Champion of African Pride) waxaana siisay Jaamacada Addis Ababa University.
Fagaare lagu guddoonsiiyay abaal marintaa ayaa waxaa min Salaasadii ilaa Jimcihii lagu qabtay jaamacadaa oo ku taala caasimada Itoobiya ee Addis.