Wargeysyada Ingariiska Ka Soo Baxa Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa kala Iibsiga Maanta Oo Isniin Ah

0
Monday August 01, 2016 - 12:31:11 in by salman abdi
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeysyada Ingariiska Ka Soo Baxa Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa kala Iibsiga Maanta Oo Isniin Ah

    Maalin wanaagsan dhamaan aqristeyaasheena sharafta leh meel waliba oo aad joogtaan iyo si waliba ee aad ula socotaan bogeena Laacib.net kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wargeysada iyo waxyaabihii ay maanta ka qoreen suuqa kale iibsiga ciyaaryooyda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin wanaagsan dhamaan aqristeyaasheena sharafta leh meel waliba oo aad joogtaan iyo si waliba ee aad ula socotaan bogeena Laacib.net kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wargeysada iyo waxyaabihii ay maanta ka qoreen suuqa kale iibsiga ciyaaryooyda.

Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay dalab £ 68m ah dib ugu soo iibsato weeraryahan Romelu Lukaku – inkastoo Everton aysan dooneynin in ay iibiso 23-sano jirkaan. (Daily Mirror)

Manchester United ayaa ku dhaw in ay soo gabagabeeyaan heshiiska rikoorka adduunka ah ee ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Juventus Paul Pogba, £ 100m. (Sky Sports)

heshiiska kooxda West Ham ee Olympic Stadium ayaa laga yaabaa in milkiilayaasha kooxda ay ka taajiraan sidii markii hore.(City AM)

Everton ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u hayso daafaca dhexe ee kooxda Southampton iyo xulka Portugal Jose Fonte iyadoo ku doonayso £ 9m. (Daily Record)

West Brom ayaa heshiis £ 15m ah ka la gaartay West Ham saxiixa Diafra Sakho, laakiin weeraryahanka 26-sano jirka ah ayaan la hubin in uu dhaqaaqaayo.(Daily Mail)

Tababaraha cusub ee Sunderland David Moyes ayaa isku dayi doona inuu lasoo saxiixdo ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Adnan Januzaj iyo weeraryahanka Will Keane kooxdiisii hore ee Manchester United. (Daily Express)

Jose Mourinho ayaa ka quustay weeraryahanka reer Swiss ee Breel Embolo, 19-sano jirka kooxda Basel – sida laga soo xigtay agaasimaha ciyaaraha ee Schalke Christian Heidel ayaa sheegay in uu hishiis la saxiixday.(Manchester Evening News)

Chelsea ayaa isku raacay heshiis ah in ay la soo wareegto gool hayaha Marcin Bulka kaaso 16-sano jir ah waxa uu u ciyaaraa FCB Escola Varsovia, akadeemiyada Barcelona ee Poland. (Metro)