Bannaan Baxyo Ka Socda Dalka Itoobiya Sababta Keentayy?

0
Monday August 01, 2016 - 12:46:40 in by Burco Office
  • Visits: 738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bannaan Baxyo Ka Socda Dalka Itoobiya Sababta Keentayy?

    Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay maagalada Gondor ee dalka Itoobiya maanta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay maagalada Gondor ee dalka Itoobiya maanta.


Dadkaa oo isugu soo baxay dibad baxaa oo ilaa haatan oo aanu qoreyno warbixintaan socda ayaa la sheegay inay ka careysan yihiin qaabka shaqo ee dawlada Itoobiya guud ahaan iyo weliba inay deegaan ay leeyihiin qowmiyada Amxaaro hoos geysay maamulka Tigray.

Dadkaa mudaaharaadka ka qeyb galaya ayaa ka dalbanaya dawlada dalkaa ee uu hoggaamiyo xisbiga EPRDF inay ka laabato go'aankaa ay dhulal aan islahayn isku maamul kaga dhigtay.

EPRDF ayaa waxaa u badan qowmiyada Tigre. Sidoo kale xisbigaa oo markii hore jabhad ahaa ayaa sanadkii 1991 ka tuuray xukunka Madaxweynihii dalkaa Mingistu Xayle Maryam oo dabadeed asagu u cararay dalka Zimbabwe.

Haatan oo mudaaharaadku weli socdo ayaa dawlada dalkaasi sheegeysaa in in ka badan 10 qof ay ku dhinteen rabshado dhex maray dibad baxeyaasha iyo ciidamada booliska.

Muranka dhulkaa la hoosgeeyay ismaamulka Tigray balse qowmiyada Amxaaro sheeganayso ayaa taagnaa dhowrkii asbuuc ee tagay.

Magaalada Gondor ayaa dhacda waqooyiga Itoobiya.

Muran dhulka kusaabsan ayaa sidoo kale horraantii sanadkaan ka dhex dhacay dawlada Itoobiya iyo qawmiyada Oromada kadib markii dawladu ku soo ballaarisay ama kusoo fidisay caasimada Addis gobolka Oromiya qawmiyadaana ay arinkaa diiday kana dhiidhiday.

Tobanaan qof ayaa ku dhintay rabshado dhex maray qawmiyada Oromada iyo biliiska kadib dibad baxyo kuwa hada socda la mid ahaa oo waqtigaa ay dhigtay qawmiyada Oromada.


Hargeysa/Office