Ciyaartoyda Somalia Ee Dunida Waxba KaSo Hoyn Oo Madaxweyne xasan Dhabarka Sii Taabtay+Sawiro

0
Monday August 01, 2016 - 19:02:30 in by Burco Office
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaartoyda Somalia Ee Dunida Waxba KaSo Hoyn Oo Madaxweyne xasan Dhabarka Sii Taabtay+Sawiro

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeyb-galeysa tartanka Ciyaaraha Olimbikada adduunka ee RIO 20

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeyb-galeysa tartanka Ciyaaraha Olimbikada adduunka ee RIO 2016 oo lagu qaban doono dalka Brazil.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiira-geliyey,isla markaana guddoonsiiyey Calankeenna Soomaaliya ciyaariyahanada Maxamed Daa’uud Maxamed iyo Maryam Nuux Muuse oo ka qeyb galaya tartarnka RIO 2016 gaar ahaan ciyaaraha fudud.

" Mar ka hore waxaa guul inoo ah oo muhiimadeeduna leh inaad maanta ka qeyb galeyno tartankaas, waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay inaad guul ka soo hoyin doontaan ciyaraha Olimbikada adduunka ee RIO 2016 gaar ahaan kuwa fudud oo aad ka qeyb galeysaan. Dowladda Soomaaliya diyaar ay la tahay wax walba oo idin fududeynaya inaad ku guuleysataan tartarnka, sidoo kale xirriirka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed garabkiina ayey taagan yihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey ciyariyahanadaan oo maalinta berrito ah u ambabaxi doona dalka Brazil inay guul ka soo hoyin doonaan tartarnka , wuxuuna u ballan-qaaday in dib u soo laabashadooda loo sameyn doono soo dhaweyn ballaaran.

sagotinsagotin1sagotin2sagotin3sagotin4sagotin5