Ex Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ka Qaybgalay Carwada Jaamacadaha Somaliland, Shacabkana Ku Dhiirigaliyay Qiimaha Waxbarashada.+SAWIRRO

0
Tuesday August 02, 2016 - 08:24:36 in by salman abdi
  • Visits: 719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ka Qaybgalay Carwada Jaamacadaha Somaliland, Shacabkana Ku Dhiirigaliyay Qiimaha Waxbarashada.+SAWIRRO

    Wasiirkii Hore ee madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maalintii shalay si kadis ah u booqday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii Hore ee madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maalintii shalay si kadis ah u booqday

carwada jaamacadaha dalka ku soo bandhigayaan Waxqabadkooda.

1234

Martidii iyo masuuliyiintii ku sugnaa bandhigayaa si wayn usoo dhaweeyay Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo aan inta badan lagu arag goobaha ama xafladaha xukuummada soo abaabushay kadib markii bishii November ee sanadkii hore iska casilay jagadii wasiirnimo ee uu ka hayay Xukuummada Madaxwayne Siilaanyo.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo munaasibadaasi warbaahinta kula hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu dhalinyarta ku dhiiri galinayo waxbarashada iyo akhriska si ay ula jaanqaadaan bulshada caalamka.

Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaa uu imika ka mid yahay isbahaysiga dimuqraadiyad doonka xisbiga Kulmiye kuwaasi oo wada hadalo kula jiray xisbiyada Mucaaridka ee Waddani iyo Ucid kadib markii ay ka cadhoodeen shirkii gollaha dhexe ee lagu doortay Musharaxa Madaxwayne iyo ku xigeenka ee Xisbigaas.