Dhacdo Ku Cusub Somaliya:Gabar kunool Muqdisho oo Xafladeeda dhalasahada Baskoolada Hadiyad looga dhigay Iyo Dreenki Ka Dhashay+Sawiro

0
Tuesday August 02, 2016 - 16:42:27 in by Burco Office
  • Visits: 2129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdo Ku Cusub Somaliya:Gabar kunool Muqdisho oo Xafladeeda dhalasahada Baskoolada Hadiyad looga dhigay Iyo Dreenki Ka Dhashay+Sawiro

    Dad badan ayaa aad ula yaabay hadiyad la siiyay gabar kamid ah gabdhaha kunool magalaada Muqdisho oo xaflad u dhigtay maalinteeda dhalashada, waxaana gabadhan mid kamid ah asxaabteeda uu Hadiyad uga dhigay Biskoolad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan ayaa aad ula yaabay hadiyad la siiyay gabar kamid ah gabdhaha kunool magalaada Muqdisho oo xaflad u dhigtay maalinteeda dhalashada, waxaana gabadhan mid kamid ah asxaabteeda uu Hadiyad uga dhigay Biskoolad.
Munaasabada xaflada dhalashada gabadhan oo ka dhacday Hotel kuyaala magaalada Muqdisho ayaa asxaabteeda kala duwan waxa ay siinayeen hadiyado kala duwan ay ugu tala galeen farxada maalinteeda dhalashada,mid kamid ah Hadiyadaha la siiyay gabadhan ayaana noqotay Bistoolad.

Hadiyadan Bistoolada ah ee la gudoonsiiyay gabadhan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo baraha ay Bulshada kuwada xariiraan gaar ahaan barta Facebooka oo lasoo dhigay sawirkan biskoolada iyo sawiro kale oo ku aadan munaasabada dhalashada ee qabsatay gabadhaasi.

Xafladaha ay dhalinyarada Muqdisho qabsadaan ay ugu dabaal degayaan maalinta dhalashooda ayaa kusoo kordhaya magaalada , munaasabadaha nuucaan ah ayaana horey looga aqoonin magaalada hasa ahaatee hada noqotay mid kusii kordhaya ayna dhiganayaan dhalinyaro badan.