Xoghayaha warfaafinta xisbiga WADANI Oo Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Safiirka Turkiga Ee Somalia

0
Tuesday August 02, 2016 - 18:04:28 in by Burco Office
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha warfaafinta xisbiga WADANI Oo Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Safiirka Turkiga Ee Somalia

    Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee WADANI C/rashiid Xasan Mataan ayaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya ku eedeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee WADANI C/rashiid Xasan Mataan ayaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya ku eedeeyey

inay si ka baxsan diblamaasiyadda ula hadlay Somaliland, waxaanay xukuumadda usoo jeediyeen inay dib u eegaan xafiiska Turkiga ku leeyahay magaaladda Hargeysa.

Sidoo kale, xoghayaha warfaafinta xisbiga WADANI Mataan waxa uu ka hadlay hadalkii dhowaan ka soo yeedhay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ee sheegay in Passaboorka Somaliland u aqoonsan yihiin sida waraaqaha aqoonsiga oo kale.

"Xsibiga WADANI wxuuu aaminsan yahay in safiirka Turkiga ee Soomaaliya uu si qaawan oo dublamaasiyAdda ka baxsan ula hadlay Somaliland, markasta wuxuu shacabka SomalilAnd laabta ku hayeen in aanu Turkigu dhex dhexaad ka ahayn wada hadaladda u socda Somalilnad iyo Soomaaliya, arrintaasina waxay muujisay in aanu wax dan ah ka lahayn Somaliland, xisbiga WADANI Wuxuu xukuumadda usoo jeedinayaa inay dib u eegto xafiiska Turkiga uga furan Hargeysa inuu yahay mid Soomaaliya u shaqaynaya iyo inuu yahay mid u furan danaha Somaliland".

Dhinaca kale, xisbiga WADANI ayaa sheegay in shirweynihii xisbigaasi uu qabsoomi doono bisha Tobnaad ee sanadkan kowdeedda, kaasi oo lagu dooran doonno musharaxiinta madaxweyne iyo ku xigeen doorashadda soo socota uga qaybgallaya xisbiga WADANI.


Hargeysa/Office