
Waa Kuwee TOBANKA Ciyaartoy Ee Saaka Oo Axad Ah Loogu Hadal-heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga? Halkan Kaga Bogo Liiska Oo Dhamaystiran
cusub.
Football Whispersoo ah shabakada ugu horaysa dhinaca saadaalinta suuqa kala iibisaga ayaa qiimayn khaas ah ku samaysa wararka ciyaartoyda sida wayn loogaga hadlo suuqa kala iibsiga, waxayna si joogto ah u soo gudbisaa hadba ciyaartoyda loogu hadal haynta badan yahay suuqa kala iibsaga iyo kooxaha doonaya ee lala xiriirinayo.
QiimayntaFootball Whispersee suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah xiddig sida ugu weyn loo hadal hayo waxaynaSky SportsiyoFootball Whispersay iska kaashadaan in ay hadba soo saaraan ciyaartoyda suuqa kala iibsiga sida wayn looga hadal hayo iyo qiimaynta oo la socota. Haddaba Shabakada Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee saaka suuqa inta ugu badan looga hadlay.
Hadal heynta ugu badan ee maanta waxaa heysta garabka weerarka kooxda Aston Villa Scott Sinclair kaas oo helay qiimeyn dha 5.0 wuxuuna kusii jeedaa kooxda Celtic ee dalka Scotland.
Andrew Ayew ayaa helay qiimeyn dha 4.9 taasoo ka dhigan in wararka la xiriirinaya kooxda West Ham United ay yahiin kuwo aad u heer sareeya, iyadoo Sky Sports ay shalay baahisay in labada kooxood ee West Ham Iyo Swansea ay ka heshiiyeen qiimaha xidigaan.
Si la mid ah qiimeynta Ayew, waxaa qiimeyntaas helay Thomas Vermaelen oo lala xiriirinayo Roma Iyo Paul Pogba oo la leeyahay wuxuu dhameytiri doonaa ku biiritaankiisa Manchester United.
Wali liiska kama bixin hadal heynta Romelu Lukaku ee Chelsea, Alexandre Lacazette oo isna lala xiriirinayo Arsenal.
Halka Sidoo kale Jesse la leeyahay wuxuu isniinta ku biiri doonaa Paris Saint Germain, meeshana kama marna wali wararkii Riyad Mahrez la xiriirinayay Guners iyo kuwii Williams la xiriirinayay Everton.
Haddaba akhriste halkan kaga bogo dhamaan tobanbka ciyaartoy ee saaka suuqa kala iibsiga ugu qiimaynta sareeya, kooxaha lala xidhiidhinayo iyo waliba qiimaynta suurtogalnimada ay kooxahan ugu biiri karaan oo dhamaystiran:
Waa Kuwee TOBANKA Ciyaartoy Ee Saaka Oo Axad Ah Loogu Hadal-heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga? Halkan Kaga Bogo Liiska Oo Dhamaystiran
Salamu calaykum waraxmatulaah, dhamaan akhristayaasha sharafta iyo ixtiraamka naga mudanow ku soo dhawaada barnaamujkeenii tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee saaka oo Axadah kuwaas oo inta ugu badan looga had