Aynu feejignaano" WQ: Maxamed xasan caalin

0
Monday June 02, 2014 - 17:46:20 in by Super Admin
  • Visits: 1310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aynu feejignaano" WQ: Maxamed xasan caalin

    indhaa ina daayaya, ummadbaa inagu xeersan xisdi iyo xaasidnimo dheer inooo qabtaa oo guul dareeenu guul u tahay isla markaana ka faaidaysanay is qabsigeena.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

indhaa ina daayaya, ummadbaa inagu xeersan xisdi iyo xaasidnimo dheer inooo qabtaa oo guul dareeenu guul u tahay isla markaana ka faaidaysanay is qabsigeena.


Mudadii koobnayd ee khilaafka xisbiga kulmiye soo if-baxay waxaynu arkaynay war-saxaafadeedo kale duwan oo ay qabanayeen labada garabee ee uu u kala jabay xisbiga kulmiy, axsaabta qaranka iyo bulshada inteeda kale ninba halka la toosnaanto aragti uga dhiibanayay.

Waxaa iyana barbar socday oo la qabanayay xafladdo taageero muujin ah oo garab-yada is haya lagu kala taageerayo.

Haddaba haddad u fiirsato war-saxaaafadeedyadaa la qabanayay iyo xafladahaa gaar gaarka ah, cida tabinteeda ku hawlanayd waxay u badanaayen markaad daawato microphone-da hor yaala qofka war-saxaadeedka bixinaya television-da laga leeyahay dalka somalia.

Waxaa is waydiin mudan, bulshadda reer somaliland maba daawadan television-da konfurta somalia laga leeyahay ee maxay isugu hawlayaan ee geed dheer iyo geed gaabanba ugu fuushan yihiin tabinta warkan iyo khilaafka soo kala dhex galay xukuumada iyo xisbul xaakimka wadankan.
Waxaa kaloo is waydiin mudan xagay ku hawlan yihiin television-nadii wadanka gudihiisa laga lahaa?
Ma cabudhinta, caga juglaynta iyo xadhiga lala caadaystay saaxafada madaxa banaanba saamayn ku yeelatay?
Mise khilaafka jira ayay u arkeen inaanay buun-buunin oo tudhis iyo tudhaale ayay wadanka ugu maqan yihiin?

Waxaan hadal ku soo koobayaa indhaa ina daayaya, ummadbaa inagu xeersan xisdi iyo xaasidnimo dheer inooo qabtaa oo guul dareeenu guul u tahay isla markaana ka faaidaysanay is qabsigeena.

Waana sababta keentay dadaalka ay television-da konfurta laga leeyahay hawl galka ugu jiraan baahinta arimaha khilaaafka ee inooo soo waajahay.
Waxay ogyihiin television-dani inay shacbiyad kaga helayaan dadwaynaha iyo madaxda ka talisa somalia.

Dadku afkaarta way ku kala duwanaan karaan aynu ka qayb qaadano sidii aynu midnimo guud ugu wada noolaan lahayn.
Cadawgeena farxadiisana naxdin iyo murrugo uga dhigi lahayn, dhaleecayteena aynu marinno radio-yada iyo television-nada wadanku leeyahay.


WQ: Maxamed Xasan Caalin
SUDAN / KHARTOUM
caalin07@gmail.com