Dagaalo Khasaare Badan Gaystay Oo ka Dhacay Gobolo Dhawra Oo Ku Yala Wadanka Libya

0
Monday June 02, 2014 - 18:24:08 in by Super Admin
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalo Khasaare Badan Gaystay Oo ka Dhacay Gobolo Dhawra Oo Ku Yala Wadanka Libya

    Dagaalkan ayaa u dhaxeeya kooxda Islaamiga ah ee Ansarul Sharica iyo Ciidamada ka amar qaata jeneraalka godoonka ah ee Khalifa Haftar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya kooxda Islaamiga ah ee Ansarul Sharica iyo Ciidamada ka amar qaata jeneraalka godoonka ah ee Khalifa Haftar.



Dagaalkan ayaa la sheegay inay kooxda Ansarul Shariica ku qaaday xarunta ciidamada Jeneraalka, Iyagoo ka jawaabaya duqeyn shalay ay diyaaradaha dagaalka ee ka amar qaata Jeneraalkaasi ku qaadeen xarunta kooxda Ansarul Shariica ku leedahay magaalada Benghazi.


Goobta ay shalay diyaaradahu duqeeyeen ayaa ah Qasrigii Boqortooyadii hore ee Liibiya ee ku yaal magaalada Benghazi wallow la sheegay in diyaaradahaasi ay bambaanoyinkooda la waayeen yoolkooda oo ahaa saldhiga ay halkaasi ku leeyihiin kooxda Ansarul Shariica.


Jeneraal Khalifa Hafta ayaa sheeganaya inuu ololihiisa militariga uu ku doonayo inuu hubka uga dhigo kooxaha iyo maleeshiyaadka hubeysan ee ka madax banaan dowlada, isagoo ku eedeeyey xukuumada Liibiya inaysan wax awood ah lahayn.

Dhinaca kale dawlada Liibiya ayaa hore u sheegtay in Jeneraal Khalifa Hafta uu wato qorshe u gaar ah oo ay ku tilmaameen inqilaab, Halka maleeshiyaadka iyo kooxaha hubeysan ku eedeeyeen Jeneraalka inuu u adeego dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Maraykanka.

Tan iyo intii ay burburtay dawladii dhexe ee wadanka libiya wax ka soconayey dagaalo jabhadysan oo mesha kasary sidii ay u so noqon lahayd xukuumad lodhanyahay.






Contact@afkashacabka.com