Ciidamadda Amaanka Waddanka France Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Is Ku Dayey In Uu Weeraro ka fuliyo Casimadda Wadankaasi France

0
Monday June 02, 2014 - 18:29:16 in by Super Admin
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadda Amaanka Waddanka France Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Is Ku Dayey In Uu Weeraro ka fuliyo Casimadda Wadankaasi France

    Ninkan oo lagu magacaabo Mehdi Nemmouche ayaa ah 29 sano jir u dhashay dalka France balse kasoo dagaalamay wadanka Suriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninkan oo lagu magacaabo Mehdi Nemmouche ayaa ah 29 sano jir u dhashay dalka France balse kasoo dagaalamay wadanka Suriya.



Ninkan ayaa lagu qabtay magaalada Marseille kadib markuu kasoo degay Bas uu ka soo raacay magaalada Brussels. Ciidamada Booliiska France ee mukhaadaraadka ka baadha basaska ka yimaada Amsterdam iyo Brussels ayaa si lama filaan ah ku helay boorsadii uu ku sitay ninkan qori AK47-ah iyo rasaas badan.


Ninkan ayaa la sheegay inuu xidhiidh la leeyahay ururka ISIL ee Al Qacidada Ciraaq iyo Suriya. Wuxuuna hore uga soo qeyb qaatay dagaalada ka socda wadanka Suriya. Qalabkuu sitay ninkan ayaa sidoo kale laga helay cajalad cod ah iyo waliba qoraalo cadeenaya in ninkan uu xidhiidh la leeyahay kooxda ISIL, sida ay shalay (Axad) shaaciyeen Xeer-illaalinta France.


Ninkan ayaa horey falal budh cadnimo ah uga geystay dalka France-ka waxaana la sheegay inuu ku biiray kooxaha mayalka adag xili uu xabsiga ku jiray, wuxuuna kadib u baxay dalka Suriya oo uu kasoo qeyb qaatay dagaalada wadankaasi ka socda.




Contact@afkashacabka.com