Horumarka ganacsigaagu wuxuu ku xidhan yahay shaqaalahaaga : W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

0
Monday June 02, 2014 - 18:40:33 in by Super Admin
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horumarka ganacsigaagu wuxuu ku xidhan yahay shaqaalahaaga : W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

    Waxaan markasta iyo meelkastaba ugu mahadnayaa ALLAH oo inoo suuro galiyay in aynu isgaadhsiino waxkastana inoo fudaydiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan markasta iyo meelkastaba ugu mahadnayaa ALLAH oo inoo suuro galiyay in aynu isgaadhsiino waxkastana inoo fudaydiyay.

Waxaan kaloo aad u salaamayaa dhamaan bahda saxaafada qaybaheeda kala duwan iyo bahda akhristayaasha meelkasta oo ay dunida ka joogaan.


Somaliland waxa ka jira Shaqo la,aan baahsan taas oo ay gaadhayso shaqo la,aanta ka jirta 75% kuwaas oo inta shaqaysaana ay la kulmaan dhibaatooyin iyo xaalado kala duwan oo kaga timaada xaga shaqada ay hayaan hadaba somaliland waxa ka jira ganacsi aad u balaadhan kuwaas oo qaarkood horumar gaadheen , qaarkoodna baaba,een , halka qaar kalana u dhexeeyaan faaido iyo qasaare ( BEP) , taas oo aynu odhan karno ganacsi kasta oo dalka ka jira waxa horumariyay waa shaqaalaha ka shaqeeya iyo maamulka, waxa aynu odhan karnaa haddii shirkad/ganacsi guulaysto ama baaba,do waxa ka masuula laba un midkood:


1: waa ta koowaadee waa halka ugu muhiimsan ee shirkada ama organizationka ka dhaqaaqo waana maamulka sare ee shirkada haddii maamulku yahay mid aad u wanaagsan wax soosaarka iyo waxqabadkuna waa uu wanaagsan yahay haddiise uu maamulku hooseeya oo aad uu aad u liito oo aanu shaqaalaha waxba ka badali Karin taasi waxa suuro gal ah in shirkadu ama ururkaagu uu hoos u dhaco wax soo saarkiisii iyo wax qabadkiisuba maadaama uu maamulku yahay furaha ama indhaha shaqaalaha maxaa yeelay waxa run ah in marka maamuluhu jooga goobta shaqada ay shaqadu tahay mid si wanaagsan u socdo waxsoosaarka iyo waxqabadkaba, halkan marka uu maamuluhu maqan yahay ay shaqada u dhaxayso mid wanaagsan iyo mid hoosaba.


2: qodobka labaad ee ah waa shaqaalaha ka shaqaynaya shirkada/organizationka , shaqaaluhu waa lafdhabarta shirkadkasta ama organizationkasta oo adduunka ka jira, shaqaaluhu waa aynu ognahay inuu kaalinta koobaad kaga jiraan guulkasta iyo wax soo saarkastaba oo ay gaadho shirkadi, hadaba shaqaalaha somaliland waxa haysta carqbado aad u fara badan sida qodobo badan oo ay ka mid yihiin :–


1: ma helaan xaq iyo xuquuq intooda badan

2:ma helaan wakhti saxa oo ay shaqeeyaan maxaa yeelay waxay shaqeeyaan wakhti dheeri ah

3: ma helaan mushahar ku filan oo u qalma shaqada ay qabtaan

4: ma helaan dhiiri galin iyo wax qabad kaga timaada madaxda shirkadaha kala duwan.

5: ma helaan tobabar kor loogu qaadayo shaqadooda.

6: ma helaan firaaqo iyo wakhti fasaxaba.

7: mana haystaaan urur ay ku midaysan yihiin oo ay xaqoodu ku soo dhacsadaan.


Shaqaale waynaha somaliland waxa jira carqabado badan oo haysta haday tahay mushahar yaraan haday tahay wakhti fara badan oo ay shaqeeyaan iyo haday tahay waxyaale kale oo u dheer shaqada ay hayaan.


Shaqaaluhu waa wadada wax soo saarka waa wajiga shirkad kasta oo caalamka ka jira , waxaanay guushaadu iyo wax qabadkaaguba ku xidhan yihiin waa shaqaalaha ku shaqaynaya iyo sida ay u hayaan shaqada loo diray, waxaana wanaagsan in markasta oo shaqaale la qoranayo loo qorto habka ugu haboon uguna wanaagsan adoo markasta maanka ku haynaya ma yahay qofkii u qalmayay shaqada ma leeyahay aqoontii looga baahnaa, ma yahay daacad , ma yahay qof dhaqan iyo dabeecad wanaagsan , ma yahay qof wax ku soo kordhin kara shaqada loo dhiibay iyo shirkadaba laakin haddii aynu u fikirno oo aynu shaqaalaysiino ina hebel oo aad adeer u tahay runtii waxa yaraanaya wax soo saarkii iyo wax qabadkiiba waxaana badanaya qaladaadka ka dhex dhacaya shirkada maxaa yeelay qofkani aqoon iyo waayo aragnimaba uma laha shaqadan loo dhiibaya markaa waa inuu maalmaha hore iyo markasta uu gala khalad haday tahay inuu xumeeyo qalabka xafiiska sida computer iyo haday tahay inuu fahmi waayo habka loo shaqaynayo oo ay shaqo badani isaga awgii u xanibanto.


Hadaba waxa jira dhibaatooyin badan oo ka dhex jira shirkada dhexdooda kuwaas oo u baahan in si gaara loo xaliyo waana is fahan waaga u dhexeeya shaqaalaha oo la xaliyo maxaa yeelay haddii shaqaaluhu u dhexeeyo cadaawad gaara waxaan ogsoonahay inay dayacmayso shaqadii waxan ognahay inay meesha soo dhex gali karto cadaawad iyo shaqo xumo u dhaxaysa shaqaalaha iyo in shaqaaluhu wax badan qaban waayaan.


Waxaan leeyahay madaxkasta oo ka madaxa shirkad ama organization inay ilaaliyaan shaqaalahooda oo ay siiyaan dhiiri galin , tababar, talooyin,ilaaliyaan niyadooda iskuna dayaan inay markasta ka farxiyaan shaqalaahooda haday siinayaan commission iyo haday siinayaan hadyado u gaara shaqaalaha maxaa yeelay guul kasta oo ay shirkadu gaadhay waxa gaadhsiiyay waa shaqaalaha , waa in loo mahadnaqaaa , waa in loo sheegaa in riyadii shirkadu rumawday, waa in la waraystaa wixii ay u baahan yihiin iyo wiixi ay shirkada ka maqan, waa in loo mahadnaqaa loona sheega guusha la gaadhay in aan la gaadhen iyaga la,aantood, waa in loo sheegaa in ay yihiin kuwii wax soosaaray yihiin qaar wax qabadkoodu yahay mid muuqda waxanad iska jirtaan oo shaqalaahiina ka illaalisaan canaanta joogtada ah iyo inaad shaqadii aad u dirsateen u siin waydaan madaxbanaani .

Hadaba waxaan kula talinayaa shirkad kasta iyo meherad kasta waa marka ay shaqaale qoranayaane talooyinkan hoos ku qoran:


In markasta la qorto shaqaalaha aqoon u leh shaqada ay qabanayaan

In shaqaale kasta oo aad qoranaysaa yahay mid si wanaagsan ugu shaqayn kara cida loo shaqaynayo

Inuu yahay mid wax ka badali kara shaqada loo dhiibay waxna ku soo kordhin kara shirkada

Inuu yahay qof diin ahaan wanaagsan , una daacada shaqadiisa iyo waxqabadkiisaba

Inuu yahay qof dabeecad wanaagsan kana fog dhamaan wixii mukhaadaraad ah.





Qoraa jecel horumarka iyo iskaashiga bulshada

Wabilaahi tawfiiq

More about me

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Email:farxaanmxd@gmail.com

TELL: 252263–4400319

Hargeisa

Skype: Farxaan.mxd

Face book: rakad mxd sultan

Social activist

Thank you all

Post number: RP105