Sawir Qaadihii Sawiray Muuqaalka Inan Yar Oo Dhimashadiisa Gorgor Sugayo Oo Qudha Isaga Jaray Su'aalihii Bulshada Waydinayen

0
Friday August 19, 2016 - 19:46:36 in by salman abdi
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawir Qaadihii Sawiray Muuqaalka Inan Yar Oo Dhimashadiisa Gorgor Sugayo Oo Qudha Isaga Jaray Su'aalihii Bulshada Waydinayen

    Kevin Carter wuxuu ahaa sawir-qaade u dhashay dalka Koonfur Afrika. Wuxuu sawirada u diri jirey wakaaladaha wararka ee adduunka. Waxaa dhacday in sanadkii 1993-kii uu shaqo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kevin Carter wuxuu ahaa sawir-qaade u dhashay dalka Koonfur Afrika. Wuxuu sawirada u diri jirey wakaaladaha wararka ee adduunka. Waxaa dhacday in sanadkii 1993-kii uu shaqo

u tagay dalka Sudan oo macaluul aad u daran ay ka jirtay dabeedna Wuxu la kulmay inan ama gabar yar oo markii ay socon kari wayday jidka lagaga tagay. Waxaa isla goobta ku sugnaa gorgor sugayey inta naftu si fiican uga dhammaanayso ama uga baxayso gabadha yar, si uu u cuno.
Kevin wuxuu qaaday sawirkan hoos ka muuqda oo ka mid noqday sawiradii ugu saameynta badnaa adduunka. Sanadkii 1994-kii ayuuna helay abaalmarinta "Pulitzer Prizeā€ ee sawirqaadista lagu bixiyo.
Markii sawirka gabadha yar uu adduunka ku faafay-ayaa dad badani la soo hadleen warbaahinihii kala duwanaa ee sawirka daabacay, iyaga oo waydiinayey in inantii ama gabadhii la badbaadiyey iyo halka ay ku danbeysay. Markii Kevin la waydiiyey, wuxu sheegay in uu halkii kaga tagay.
Bishii luulyo 27-keedii Sanadkii 1994-kii ayuu Kevin nafta iska qaaday oo is diley isagoo 33 jir ah, kadib markii uu ka seexan waayey dareenka ah in uu gef ka galay bani aadamnimada