Abwaan Yuusuf Shaacir Oo Madaxweyne Siilaanyo Iyo Hoggaanka Kulmiye U Soo Jeediyey Talooyin Wax Ku Ooll ah

0
Monday June 02, 2014 - 22:37:14 in by salman abdi
  • Visits: 1263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Yuusuf Shaacir Oo Madaxweyne Siilaanyo Iyo Hoggaanka Kulmiye U Soo Jeediyey Talooyin Wax Ku Ooll ah

    Madaxweyne, Waayeel ma’ eed-beelo, madax meel ka sareeya oo la salaaxana horaa loo waayey, waxa aan kuu soo jeedin lahaa inuu mar-walba xadhigu xagaaga ka dabacsanaado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne, Waayeel ma’ eed-beelo, madax meel ka sareeya oo la salaaxana horaa loo waayey, waxa aan kuu soo jeedin lahaa inuu mar-walba xadhigu xagaaga ka dabacsanaado

 Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Yuusuf Shaacir) oo ka mida Abwaannada caanka ah ee Somaliland ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay taladiisa ku aaddan xiisadaha siyaasiga ah ee ka dhashay khilaafka ka dhex oogan labada garab ee xisbiga Kulmiye.

Qoraalkan oo uu abwaanku soo gaadhsiiyey xafiiska wararka ee Hadhwanaagnews waxa uu talooyin wax ku ool ah ugu jeediyey madaxweyne Siilaanyo, hoggaanka xisbiga Kulmiye, Saxaafadda, Guddida dhexdhexaadinta Khilaafka iyo guud ahaanba bulshada reer Somaliland.

Abwaanku waxa uu qoraalkan ku yidhi, "Islaamka waxa uu ILAAHAY ku ammaanay in ay wanaagga is-faraan xumaantana iska reebaan, taas oo ay ummadaha kale dheer yihiin. Khilaafaadku waa calaamadaha

xun-xun ee sharka, laakin dhinaca kale haddii aynu ka eegno waa astaamaha bani’aadamka horaana loo yidhi ‘Maan rag waa mudacyo afkood’ Waxase layna farayaa haddii aynu is-qabanno in aynu u noqonno Kitaab Alle iyo sunnaha Nebiga (SCW); haddaba aan soo jeediyo dhowr qodob oo tallo iigu muuqday:

 

1- Dhinacyada Siyaasadda:Madaxweyne, Waayeel ma’ eed-beelo, madax meel ka sareeya oo la salaaxana horaa loo waayey, waxa aan kuu soo jeedin lahaa inuu mar-walba xadhigu xagaaga ka dabacsanaado, ka wax hanbaynayana aad noqoto, waxa aan kuu rajeynayaa in aad xagga samaha u badnaato, horaa loo yidhi ‘Is adkeyn rag wuu ku talo waayaa, dumarna wuu ku tusma seegaa’.

2. Hogaanka Xisbiga Kulmiye:Waxa aan leeyahay talada dalka ayaa aad ku soo socotaan ee taxa-dir ku dara, ‘Hadal sokeeye iyo hilib Idaadba waa la qaboojiyaa’, inta aad isku heysaan waxaa ka badan inta innaga wada dhaxeysa, dal iyo dadba. Waxa aynu heysannaa amni indho badani soo eegayaan, Gacmo Geel-jirena hoos ayaa loo meydhaa ee hadalka duulay daaya’ oo xaaladda dejiya’

3. Guddida dhex-dhexaadinta:Laba talo oo wac-wacan nin kala dooray wax ma kala doorin, ee laba talo oo xun xun ninka kala dooraybaa wax kala doorey. Dhexdhexaadintu waa dhaqan soo jireen ah oo aynu leennahay, idinkaana (Guurtida) ku suntan, waxaa la yidhi ‘Waayeel orodkiisu waa inta aan la arkeyn’, galladduna waxa ay saaran tahay wax isku geyn-geyn, dulqaad iyo dedaal muujiya, annaguna waanu idinku barbar taagannahay ILAAHAY-na waxaan ka baryayaa inuu dhamaanteen inagu asturo.

4. Bulshada:Qur’aanka hadaad akhrido, saddex meeloodoow meel baa qisas iyo taariikh ah, reer Caad iyo Samuud iyo Luud waxaa la inoogu sheegayaa waa in aynu ka baydhno waddooyinkii ay ku jabeen, waxaa fiicnaan lahayd in aynu garaad ahaan korno oo waayaha iyo taariikhda wax-ka-baranno Iskana deyno Qabyaalada, Eexda iyo Af-xumada. Laba qof markay is-qabtaan in lala kala safto aynu iska deyno, oo aynu noqonno ummad isku dan qudha ah iskuna dad qudha ah.

5. Saxaafad:Waxaynu joognaa xilligii fidnada, taas oo halkii erey toban been ah lagu darayo, ILAAHAY-na waxa uu yidhi haddii war la idiin keeno iska hubsada, walaalayaal sharka iyo khayrka-ba idinkaa faafin kara ee ILAAHAY kaga baqa masuuliyada aad heysaan oo intii karaankiina ah, wixii aad asturi karaysaan astura.



Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

Contact@afkashacabka