Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Hadhimo Sharafeed Ku Qaabilay Xubnihii Jaaliyada Sheffield.

0
Monday June 02, 2014 - 22:54:22 in by salman abdi
  • Visits: 740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Hadhimo Sharafeed Ku Qaabilay Xubnihii Jaaliyada Sheffield.

    Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa maanta hadhimo sharafeed ku qaabilay xubnihii Jaaliyada Magaaladda Sheffield,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa maanta hadhimo sharafeed ku qaabilay xubnihii Jaaliyada Magaaladda Sheffield,

 kuwaas oo si weyn uga soo shaqeeyay qadiyadii ay Xildhibaanada Magaaladaasi aqoonsiga degaankooda ugu codeeyaan madax banaanida dalka.

Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan, ayaa xubnahan oo muddooyinkii u danbeeyay dalka ku sugnaa ku soo dhaweeyay waddanka, wuxuuna uga mahad naqay isku day kasta oo ay wax ku tarayeen qadiyada Aqoonsi raadinta waddankooda, taas oo ah ayuu yidhi himilada ugu weyn ee shacabkani leeyihiin.

Wasiirku wuxuu sidoo kale ku gubaabiyay xubnaha Jaaliyada, in aanay dadaalka halkaas ku joojin siina laban laabaan. Geestooda waxaa ka mahad celiyay soo dhaweynta iyo casuumada uu u fidiyay Wasiirku, xubnihii jaaliyada waxayna guud ahaan u mahad naqeen Xukuumadda Somaliland iyo shacabka oo degmooyin badan ku soo dhaweeyay. Xubnaha Jaaliyada Magaaladda Sheffield ee hadda dalka ku sugan ayaa lagu xasuusta doorkii shariifka ahaa ee ay ka qateen in degaanka ay ku noolyihiin laga aqoonsado waddanka Somaliland.



Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com