Dowlad Cusub oo Wadaag oo loo Dhaariyey Waddanka Falastiin

0
Tuesday June 03, 2014 - 09:49:38 in by Super Admin
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlad Cusub oo Wadaag oo loo Dhaariyey Waddanka Falastiin

    Madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas ayaa shalay dhaariyey xubnaha dowlad cusub oo wadaag ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas ayaa shalay dhaariyey xubnaha dowlad cusub oo wadaag ah

 oo ka kooban Fatah iyo Hamas, kuwaas oo ah labada kooxood ee kala hoggaamineysey Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza toddobadii sanno ee la soo dhaafey.


 

Xafladda ayaa ka dhacdey Ramallah, waxayna dhacdey wax yar kadib markii labada dhinac ay heshiis ka gaadheen muran ku saabsanaa go’aan uu Madaxweyne Abbas doonayey in wasaaradaha cusub aan lagu soo darin wasaarad qaabilsan arrimaha xabsiyada.

Mareykanka ayaa ururka Hamas uu aqoonsan urur argagixiso, waxaana Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry uu wallaaca ku saabsan in ururkaasi Islaamiga ah uu door ku yeesho dowladda Falastiin uu u muujiyey Mr Abbas.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Jen Psaki ayaa sheegtay in Mr Abbas uu u xaqiijiyey Mr Kerry in dowladda cusub ay ka go’an tahay inay ka fogaato wax rabshado ah, isla markaana ay aqoonsato Israel. Waxay Ms Psaki intaa ku dartey in Mr Kerry uu sheegay in Mareykanka uu dowladdaasi ku xukmin doonno xubnaha ku jira, siyaasadaha ay la timaaddo iyo hab dhaqankooda.

Raiisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha caalamka inaaney aqoonsan dowladda Falastiiniyiinta, isagoo sheegay in dowladdaasi ay tahay mid sii xoojin doonta argagixisonimada, maadaama Hamas ay mar walba ku baaqdo in la burburiyo Israel.





Contact@afkashacabka.com