Booliska waddanka Nigeria oo Dadkii ay ka maqnaayeen Gabdhaha u afduuban Bokoharam ka mamnuucay inay mudaharaadan

0
Tuesday June 03, 2014 - 10:53:48 in by Super Admin
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska waddanka Nigeria oo Dadkii ay ka maqnaayeen Gabdhaha u afduuban Bokoharam ka mamnuucay inay mudaharaadan

    Gabdhaha ayaa waxaa laga afduubtay iskuulkooda bishii Abriil xilli ay weerar soo qaaday kooxda Boko Xaraam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabdhaha ayaa waxaa laga afduubtay iskuulkooda bishii Abriil xilli ay weerar soo qaaday kooxda Boko Xaraam.

Booliska magaalada Abuja ee waddanka Nigeria, ayaa waxa ay mamnuuceen mudaharaadyada lagu dalbanayo in lagu sii daayo in ka badan 200 oo gabdhood oo la afduubtay.

 


Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay kulmayeen maalinwalba in ka badan muddo bil ah, waxa ayna ka dalbanayeen dowladda Nigeria in ay sameyso wax badan oo ay ku xaqiijinayso in ay gabdhaha dib u helaan xorriyadooda.


Gabdhaha ayaa waxaa laga afduubtay iskuulkooda bishii Abriil xilli ay weerar soo qaaday kooxda Boko Xaraam.


Ololaha"dib usoo celiya gabdhahayaga”ee ka socday gudaha iyo dibadda dalkaasi ayaa waxa uu ceeb weyn ku noqday dowladda Nigeria.


Dibadbaxayaasha ayaa si maalinle ah ugu kulmayay fagaaraha magaalada Abuja, iyadoo taasi ay uga dan lahaayeen in ay cadaadiska ku kordhiyaan dowladda si ay uga shaqeyso sidii ay nabad ugu soo laaban lahaayeen gabdhaha la afduubtay.


Todobaadkii la soo dhaafay koox kale ayaa waxa ay bilowday dibadbaxyo abaabulan, kuwaasi uu carqalad galiyay ololaha horay u socday iyagoo sheegay in ay tahay in carada loo jeediyo kooxda wax afduubatay ee aanay aheyn dowladda.


Kooxda ayaa dibadbaxyadooda ugu magac daray"Boko Xaraam sii daaya gabdhaheenna”.


Booliska ayaa haatan sheegaya in mudaharaadyadaasi ay khatar weyn ku yihiin ammaanka dadka ku nool magaalada Abuja.


Hasayeeshee dadka ku ololeynaya magaca"dib usoo celiya gabdhahayaga”ayaa waxa ay dhacdooyinkan ugu dambeeyay u arkaan xeel ay dowladda iyaga ku aamusinayso, haatanna waxa ay doonayaan amar maxkamadeed oo u suurtagalinaya inay sii wataan dibadbaxyada.





Contact@afkashacabka.com