Dalka Syria 15.8 million u Dareeray Cod Bixinta Doorashada Dawlad Cusub oo Dalkaasi ka dhalata

0
Tuesday June 03, 2014 - 10:56:43 in by Super Admin
  • Visits: 862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Syria 15.8 million u Dareeray Cod Bixinta Doorashada Dawlad Cusub oo Dalkaasi ka dhalata

    Dalka Syria oo sadexdii sano ee u danbeeyay ay ka socdeen dagaalo sokeeye ayaa looga dareeray cod bixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Syria oo sadexdii sano ee u danbeeyay ay ka socdeen dagaalo sokeeye ayaa looga dareeray cod bixin

lagu soo dooranayo madaxweynaha dalkaas ee todobada sano ee soo socota.

La yaabkuna waxa uu noqday markii u horeysay in tartanka ay isu soo taagaan dhawr ruux oo tartamaya, taasina waxa ay ku timi dawlada dalkaas oo dooneysa in ay dunida u muujiso in doorashooyinku xal u yihiin colaadaha dalkaasi.

Mucaaridka dalkaas ayaase doorashooyinka ku tilmaamay qaar indho sarcaad ah oo dunida iyo shacabka Syria lagu marin habaabinayo.

Waxa lagu wadaa madaxweynaha dalkaas ee Bashaar Al Asad in dib loogu doorto todobada sano ee soo socda.

Qurbejooga dalka Syria ayaa qudhooda fursad u helay in ay codeynta ka qeyb qaataan.

Raiisul wasaaraha dalka Syria Wael al-Halqi ayaa ku booriyay shacabka dalkaas ku booriyay in ay ka qeybqaataan.

Wasaarada Arrimaha Guddaha ayaa sheegtay in 15.8 million oo ruux ay codka dhiibanayaan isla markaana 9.600 oo goobood oo codadka laga dhiibtana la diyaariyay.


 


Contact@afkashacabka.com