Burco:Hay'adda Waddaniga ah ee EWADA oo Shahaadooyin iyo Qalab Guddoonsiisay 57 Haween Ah oo Bartay Xirfado kala Duwan +SAWIRO

0
Tuesday June 03, 2014 - 11:10:09 in by Super Admin
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco:Hay'adda Waddaniga ah ee EWADA oo Shahaadooyin iyo Qalab Guddoonsiisay 57 Haween Ah oo Bartay Xirfado kala Duwan +SAWIRO

    Hay'adda EWADA ayaa ah Hay'ad Waddani ah oo Mashaariic khayriya oo tiro badan ka fulisa Dalka, isla markaasna Degaamo badan ka hirgelisay, Masaajido, Ceelal Biyood, Riigag, iyo weliba Iskuulo Boodhin ah oo ay wax ku bartaan Agoontaiyo danya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda EWADA ayaa ah Hay'ad Waddani ah oo Mashaariic khayriya oo tiro badan ka fulisa Dalka, isla markaasna Degaamo badan ka hirgelisay, Masaajido, Ceelal Biyood, Riigag, iyo weliba Iskuulo Boodhin ah oo ay wax ku bartaan Agoontaiyo danyartu.

Hay’adda Waddaniga ah ee EWADA oo Shahaadooyin iyo Qalab Guddoonsiisay 57 Haween Ah oo Bartay Xirfado kala Duwan +SAWIRO


Hay’adda EWADA ayaa shahaadooyin u qaybisay in ka badan 57 haween ah oo bartay xirfadaha Dawaarka, Cillaansaarka, Cuntokarinta iyo farsamada Gacanta, iyagoo si gaar ah qalab ugu qaybiyey haweenkii ka qalinjebiyey Xirfadda Dawaarka, Haweenkan ayaa Muddo sannad ah wax ka baranayey xirfadaha ay ka qalinjebiyeen xarun ay maamusho hay’adda EWADA oo ah xarunta Tababarada xirfadaha lagu shaqaysto ee dhinaca haweenka.

Barashada Xirfadahan ayaa haweenka u sahashay inay badankoodu shaqaysan karaan oo isku filnaan karaan, iyadoo munasibaddii shahaadooyinka iyo qalabka lagu guddoonsinayey ay ka hadleen xubno ka mid ah hawenka xirfadahani bartay, iyagoo ad ugu mahad celiyey Guddomiyaha Hay’ada EWADA SH. Adan Hassan siciid iyo macalimintii ku so tacabtay ee xirfadahani baray.


Guddomiyaha Hay’adda ewada Sh. Adan Hassan sicid aya isna dhiniciisa ka warbixiyey Muhiimada Tababaradani iyo mashaariicda hay’addiisu qabataa u leeyihin Bulshada waxanu xusay in sannad walba haween tiro badan ay xirfadahan ka qalinjebiyaan oo sannad kasta hay’adda Ewada ay soo saarto ku dhowaad Boqol Dumar ah oo Xirfadahaasi bartay, Sheekh Adan ayaa sidoo kale tilmaamay inay Dufcaddani ahayd Dufcaddii 3aad ee ka qalinjebisa mashruucan tababarka xirfadaha ee dhinaca haweenka iyadoo bu yidhi ay xirfadahani bartaan illaa 300 Saddex Boqol oo haween ahi, waxa kaloo uu shegay inay jiraan Waxbarasho dhinaca Diinta iyo luqadahaha oo ah oo iyana ay baraan sidoo kale haweenka.

Hay’adda EWADA ayaa ah Hay’ad Waddani ah oo Mashaariic khayriya oo tiro badan ka fulisa Dalka, isla markaasna Degaamo badan ka hirgelisay, Masaajido, Ceelal Biyood, Riigag, iyo weliba Iskuulo Boodhin ah oo ay wax ku bartaan Agoontaiyo danyartu.





Afkashacabka.com

Burco /Office

Contact@afkashacabka.com