Magacyada iyo Halka ay ka yimaadeen Ragii Weeraray Hotelka Naasa Hablood oo lasoo bandhigay +Sawiro

0
Wednesday August 24, 2016 - 14:28:28 in by Burco Office
  • Visits: 783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada iyo Halka ay ka yimaadeen Ragii Weeraray Hotelka Naasa Hablood oo lasoo bandhigay +Sawiro

    Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa markii ugu horeesay shaaca ka qaaday magacyada dhalinyaro Kenyan ahaa oo weerar Ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday Hotelka Naasa Hablood 1 ee magaalada Muqdisho, taariikhda markay a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa markii ugu horeesay shaaca ka qaaday magacyada dhalinyaro Kenyan ahaa oo weerar Ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday Hotelka Naasa Hablood 1 ee magaalada Muqdisho, taariikhda markay aheed 26-kii Bishii June ee Sanadkan.

Mr Janan, oo magaalada Mandheera kula kulmay Saraakiisa dhinaca amniga magaaladaasi ayaa cadeeyay in Dhalinyaro Kenyan ah oo ka tagay magaalada Mandheera ay ka dambeeyeen Weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood ee Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in dhalinyaradan Kenyanka ah ay ka tageen Mandheera ayna sii mareen deegaano badan kuna biireen Al-Shabaab , waxa uuna magacyada dhalinyarada Weerarka fulisay ku sheegay Issack Dyati, Yuusuf Cabdi iyo Issack Gola.


Waxa uu Saraakiisha Kenyanka u sheegay Wasiirka Amniga Jubbaland in Weerarada Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo Kenya in aysan kaliya fulin dhalinyaro Soomaali ah balse ay mararka qarakood ku jiraan Kenyan iyo Ajaaniib kale.


Dowlada Soomaaliya ayaa horey usoo bandhigtay Meydadka sadex nin oo la sheegay in Weerarkii Hotelka Naasa Hablood fuliyeen inkastoo aysan Dowlada Soomaaliya shaacin magacyada iyo halka ay ka yimaadeen ragaasi.