10-KA XUL EE CIYAARTOY AHAAN UGU QIIMAHA BADAN XULALKA KA QEYBGALAYA KOOBKA ADDUUNKA OO LA SHAACIYEY + SAWIRO

0
Tuesday June 03, 2014 - 11:47:10 in by Super Admin
  • Visits: 2150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10-KA XUL EE CIYAARTOY AHAAN UGU QIIMAHA BADAN XULALKA KA QEYBGALAYA KOOBKA ADDUUNKA OO LA SHAACIYEY + SAWIRO

    "Haddii kubada cagta aduunka ay tahay duni waalan Koobka Adduunka waa isku keenaha dunida waalan."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii kubada cagta aduunka ay tahay duni waalan Koobka Adduunka waa isku keenaha dunida waalan."  32-ka kooxood ee ka qeyb galaya Koobka Adduunka ayaa qiimaha ciyaartoydooda wadar ahaan lagu qiimeeyey 4.75 bilyan ginni iyadoo masraxa lagu ciyaarayo uu ku fadhiyo 6 bilyan ginni oo ah dhamaan garoomada iyo dhismooyinka si loogu tartamo koob aan ka dheereyn gacanta hal ciyaaryahan.

Ka dib markii lagu dhawaaqay ciyaartoyda xul walba u matali laheed Koobka Adduunka waxa ugu xiisaha leh ayaa ah dhaqaalaha tayada ciyaartoy ee ka qeyb galeysa Koobka Adduunka. Iska ilow wax soo saaris indhaha oo dhan waxa ay ku sii jeedaan 10ka xul ee ugu qiimaha badan Koobka Adduunka.

10. Netherlands (£184.1m)

Holland-2

Xulkii ugu danbeeyay ee gaara finalka koobka Adduunka ayaa ku jira kaalinta 10aad ee xulalka ciyaartoydooda ugu qiimaha badan iyadoo ciyaartoyda xulka ugu jirta lagu qiimeynayo in ka yar 200 milyan ginni. Taasi lama micno ah inay ka maqan yihiin xiddigo waa weyn sida R0bin van Persie (£32.4m),Arjen Robben (£20.3m)iyoWesley Sneijder (£13.8m)iyagoo hogaaminaya xulka Oranges.

9. Portugal (£262.1m)

ronaldo2

La yaab ma ahan booska ay ku jirto Portugal sababtoo ah Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu qaalisan xulka Portugal isagoo lagu iibsaday 81.5 milyan ginni, waana xiddigooda ugu qiimaha badan dhanka dhaqaalaha iyo dhanka kubada labadaba.

Ronaldo ayaa ugu biiray Real Madrid lacag markaas aheyd rikoorka adduunka. Qiimihiisana ee koox iyo qaranba sarre ayuu u sii kacay wixii waqtigaas ka danbeeyay.

8. England (£272.1m)

rooney2

Wayne Rooney(£36.7m)oo Man United u ciyaara ayaa hogaaminaya ciyaart0oyda ugu qaalisan England, waxaa raaca Jack Wilshere oo lagu qiimeeyay 26.7 milyan ginni, Leighton Baines iyo Daniel Sturridge oo iyagana ku fadhiya 16.1 milyan ginni.

7. Belgium (£286.5m)

belgium2

Koobkii Adduunka ugu danbeysay in laga munaaqashadooda Belgium oo soo geli karta 10ka xul ee ugu qaalisan ciyaartoy ahaan waxa ay ahaan laheyd mid durbadiiba biyo qabow lagu shubo. Xiddigo tayo weyn leh sida xiddiga Chelsea Eden Hazard oo ku fadhiya 36.7 milyan ginni, Vincent Kompany iyo Axel Witsel ooku fadhiya mid walba 28.4 milyan ginni ayaana hogaaminaya xiddigaha ugu qaalisan ee xulka lagu naaneeso Red Devils.

6. Italy (£333.2m)

mario2
Xiddiga Talyaaniga Mario Balotelli oo ku fadhiya 24.4 milyan ginni ayaa isna ah xiddiga ugu qaalisan xulka Azzurri ugu yaraan dhanka dhaqaalaha. Haddii uusan xulka wax u qaban waxa uu sidoo kale meel isaga xoori doonaa qiimihiisa.

5. France (£359.8m)

France-2

France ayaa weli ah xul kubadeed oo si weyn ugu dhex muuqda Yurub iyo Adduunka. Xiddigooda ugu qiimaha badan waa Paul Pogba kaasoo lagu qiimenayo 36.7 milyan ginni, waxaana uu ka mid yahay xiddigaha ugu da’da yar France isagoo jira kaliya 21 snano.

4. Argentina (£375.5m)

argentina2

Lionel Messi oo lagu qiimeynayo (£97.7m)ayaa noqon kara xiddiga ugu qaalisan ee ka ciyaaraya Koobka Adduunka. Seddexda xiddig ee ku soo xigta ee Argentina ugu qiimaha badan waa Sergio Aguero (£36.5m), Gonzalo Higuain (£30.8m) iyo Angel Di Maria (£24.3m) oo iyagana magacooda gaarka ah leh.

3. Brazil (£380.8m)

neymar anglais image

Messi saaxiibkiisa Barcelona Neymar ayaa isna ah xiddiga ugu qaalisan Brazil isagoo ku fadhiya 48.9 milyan ginni, waana xiddigooda dhanka garoonka, waxaana la filayaa inuu qanciyo taageerayaal badan oo marti loo yahay Koobka Adduunka. WeeraryahanHulk (£38.9m) iyo daafaca Thiago Silva (£32.4m)ayaa dhameystira seddexda ugu sareysa.

2. Germany (£501.8m)

Italy v Germany - International Friendly

Germany waxa ay hamin doontaa abaalmarinta ugu sareysa Koobka Adduunka, iyadoo semi-finalkii 2010 ay ku hartay gacmaha xulka Spain. Waxa uu culeyska saaran yahay Mario Gotze (£44.8m), Mesut Ozil (£40.5m)iyo Thomas Muller (£32.4m)inay halkaas geeyaan.

1. Spain (£611.7m)

FBL-WC2014-ESP-FIN-SQUAD

Xulka difaacanaya Koobka Adduunka ayaa heysta xiddigaha ugu qiimaha badan kubada cagta caalamka. Wadar ahaan qiimaha ay ku fadhiyaan ciyaartoyda xulka Spain ayaa ka badan guud ahaan qiimaha marka la isku darro xulalka Group E ee Koobka Adduunka oo kala ah (Switzerland, Ecuador, France iyo Honduras).Andres Iniesta (£44.8m) ayaa ah xiddiga ugu qaalisan waxa uu ka sareeyaa Cesc Fabregas (£40.4m)iyoSergio Busquets (£36.5m).

Haddii aadan la dhicin lacagtaas tirada badan, markaas ka feker in lacagta xuquuqda baahinta lagu xamanayo inay gaareyso bishaas kaliya 1.55 bilyan ginni. Xaqiiqdiina waxa ay noqon doontaa bil waali ah.


Ilaha warbixintaan laga soo xigtay:

transfermarkt.com

iMoney


Afkashacabka.com / Sports

Contact@afkashacabka.com