Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Itobiya oo Muwadiniinteda Maraykanka ah uga Digtay Qaraxyo ka dhici Kara Dalkaasi Itobiya

0
Tuesday June 03, 2014 - 11:54:19 in by Super Admin
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Itobiya oo Muwadiniinteda Maraykanka ah uga Digtay Qaraxyo ka dhici Kara Dalkaasi Itobiya

    Dawladda Maraykan ka ayaa Muwadininteda Uga Digtay Qaraxyo Lagu Begsanayo Oo Ka Dhaca Safaradda Ay Ku Leyihiin Wadankasi itobiya sida lagu baahiyey wargeys madax banaan oo ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Maraykan ka ayaa Muwadininteda Uga Digtay Qaraxyo Lagu Begsanayo Oo Ka Dhaca Safaradda Ay Ku Leyihiin Wadankasi itobiya sida lagu baahiyey wargeys madax banaan oo ..

Dawladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Addis ababa ujeedisay baaq ah in dadka Maraykanka u dhashey isaga baxan dalka Itoobiya ama ay muujiyaan feejignaan dhinaca ammaanka ah. 


Safaaradda Mareykanka ee dalka Itoobiya ayaa soo gudbisey xoggo muujinaya in kooxda Al-shabaab ay qorsheynayaan weerarro qaraxyo u badan oo ay ka geystaan dalka Itoobiya gaar ahaana magaalada Addis Ababa.

War uu qorey wargeys la yidhaahdo Sudan tribune waxaa uu ku sheegay in Mareykanka muwaadiniintiisa ku war-galiyay iney ka taxadaraan ammaankooda, ayna ka foojig-naadaan goobaha weerarradu ay ka dhici karan.


"Waxaan idin xaqiijinaynaa safaaraddu waxay heshay warbixino ku saabsan weerarro argagixiso oo ka dhici kara dalka Itoobiya oo ay qaadaan kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaallam kuwaas oo halis ku ah danaha reer galbeedka ee qaradda Africaā€¯ sidaa waxaa lagu yidhi warbixinta ka soo baxday safaardda Mareykanka ee dalka Itoobiya.


Safaaradda Mareykanku warbixinta ay soo saartey waxa ay ku cadaysay inaanay wali helin goobaha ay Al-shabaab qorsheynayan inay weerarraan, balse waxaa qoraalka lugu sheegay in muwaadininta Mareykanku indha dheer u yeeshaan baaqa ay usoo jeedinayaan.

Dadka Mareykanka ah waxaa looga digey inay tagaan goobaha ay dadku isugu yimaadan iyo baararka ay dadka ku caweeyaan, waana goobaha looga cabsi qabo inay weerarradu ka dhacaan.

Ugu danbeyntii, warbixinta Mareykanku soo saaray oo aad u dheerayd waxaa lagu sheegay in muwaadin walba oo Mareykan ah uu iska diiwaangaliyo safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa isagoo maraya habka layidhaahdo (Step) kaasoa qofka Mareykanka ah siinayaa war-walba oo ammaankiisa khuseeya. Digniintan waxaa ay soo baxeysaa xilli dhawaan weerar ka dhacay dalka Jabuuti lala beegsadey makhaayad ay ku caweyn-jireen dadka ajaanibka ah oo reer galbeed u badan.


Dawladda Itoobiya waxa ay ka mid tahay dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, waxaana Al-shabaab ay horey usheegeen inay weerarri doonaan dalalka ay Soomaaliya ciidamadu ka joogaan.




Contact@afkashacabka.com