Somaliland Oo ka jawaabtay warbixin qaramada midoobay ku sheegtay in somaliland ciidan amaanka halis ku ah u qoranayso shirkaddaha shidaal baadhista

0
Tuesday June 03, 2014 - 12:00:48 in by Super Admin
  • Visits: 1126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo ka jawaabtay warbixin qaramada midoobay ku sheegtay in somaliland ciidan amaanka halis ku ah u qoranayso shirkaddaha shidaal baadhista

    Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa gef ku tilmamay warbixin Guddida ilaalinaysa Cunaqabataynta Somalia iyo Eritrea saran u gudbiyeen Golaha amaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa gef ku tilmamay warbixin Guddida ilaalinaysa Cunaqabataynta Somalia iyo Eritrea saran u gudbiyeen Golaha amaanka

taasi oo ay ku sheegeen in Somaliland qoranayso Ciidan ilaaliya Shirkaddaha Shidaal baadhista oo Mandaqada iyo Somaliland ba u horseedi kara dhibaatooyin dagaal.

"Horta hadal waa la iska odhan karaa cid kastaana waxay doonto way sheegi kartaa, laakiin xaqiiqadu waxay tahay marka ugu horeysa ciddii ay cunaqabatayntu saarnayd ayaaba hore looga jabiyay oo caalamku u kala dheeraynayaa siday u hubayn lahaayeen, waliba cidda la hubaynayaa waa dawlad aan gacanta ku wada hayn Caasimadda ay ka dhisan tahay, iskabadaa Dalka intiisa kalena, waxaananu u aragnaa hadalka ay Guddigu soo saartay mid gef ku ah Somaliland.”

WasiirCadami oo u waramayay Wargeyska Dawladda ee Dawan oo ka hadlay jiritaanka Ciidanka Golaha amaanku ka walaacsan yahay waxa uu yidhi "Somaliland waxay leedahay ciidammo dawladdeed oo dhamaystiran, isla markaana waxay awood u leedahay inay ciidankeeda tayayso qalabayso, laakiin ma jiraan ciidammo aan kuwa Qaranka ahayn oo dalka laga qorayaa, Guddigu markay leedahay waxaa laga qorayaa Somaliland ciidammo kale oo aan ku jirin ciidamadda dalka ee jira, waxay majaro habaabinayaan Golihii Ammaanka ee la rabay inay warbixin ka soo gudbiyaan hubka sida tooska ah maalin kasta loo galinayo Soomaaliya, kaasoo aanu u aragno inuu u gacan gali karo cid aan caqliyan Masuuliyad hub qaadi karayn, isla markaana taasi ay keeni karto nabadgelyo darro ka timaadda dhanka Soomaaliyada oo mandaqada ku faafi karta.”

Wasiir Cadami oo la waydiiyey waxa Somaliland kaga jawaabayso Qodobo warbixinta ka mid ah oo ku saabsan in Mandaqada iyo Somaliland ba khatar ay ciidankaasi galin karaan waxa uu yidhi ‘Somaliland ciidankeedu waxay hanteen guud ahaan nabadda dalka Somaliland, waxaanay ka qayb qaateen nabadgelyada geeska Afrika, qaaradda Afrika iyo guud ahaan nabadda caalamkaba, waxaanay beesha caalamka Somaliland kala shaqaysaa nabadgelyada mandaqada oo xaalado badani ka jiraan, taasna waxaa suuragaliyay ciidammadda Somaliland oo ah ciidammo qaran.

Somaliland-na cidna cadaw kuma aha duulaanna kuma waddo, isla markaana marnaba ma ogola in dalkeeda ay soo galaan cid nabadgelyadeeda wax yeeli karta ama cid kale cadaw ku ah, waxay Somaliland hormood u tahay inay mandaqada iyo beesha caalamkaba kala shaqayso nabadgelyada, waxaanay ahayd in guddiga iyo golaha ammaankuba Somaliland ku abaal-mariyaan sida wanaagsan ee ay caalamka ugala shaqayso nabadda sheegaanna sida ay dalkeeda ciidanka Somaliland uga hanteen budhcad-baddeed,argagixiso iyo nooc kasta oo qas-wadeyaal ah iyo geesteeda nabadda ay mandaqada uga hanatay, laakiin waa nasiib-darro in guddigu garan waydo waxa ay Somaliland mudan tahay.” ayu hadalkiisa ku so xidhay wasiirku





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com